Awdalpress – London – Bur-burkii dawladdii Somaliyeed markii uu dhacday, waxa dadkii wax garadka ahaa raadiyeen, sidii xal loogu heli lahaa shacabka Somaliyeed ee reer kastaa yidhi qabiil kale na xukumi maayo. Haddii kale waan dagaallamaynaa.
Xalkii koowaad waxa isku dayey culumada iyo dadka diinta xalka u arkayey, waxana ay sameeyeen nidaam la baxay Maxaakiim, waa marka aan ka hadlayno gobollada koonfurta Somaliyeed. Muddo yar kadib, waxa ay Maxaakiimtii isku beddeshay si kale oo aan dunida raalli gelin, waana laga takhallusay. Haddana waxa la billaabay awood qaybsi iyo sidii ay qabiilooyinku isaga dhex arki lahaayeen maamulka dawladeed bad baadin kara dalka, soona celin kara kala danbayntii. Waxana la helay dariiqada 4.5 oo koobaysa sida ay qabiilooyinka dalka wada deggeni wax u wada qaybsan lahaayeen ama isaga dhex arki lahaayeen maamulka bah wadaagta lagu yahay.
Warka arrintaana waxa innoo haya Dr.Gaandhi oo taariikhyahan ah, aragtidiisana ku salaynaya sida ay qabiilooyinka Somaliyeed u wada degaan amma wax u qaybsadeen.
Dhinaca qabiilooyinka Somaliyeed ee woqooyiga dega, ee la baxday Somaliland oo qaar ka mid ahi ay diiddan yihiin maamulkaasi, ee iyagu sheegtay in ay dawladnimadii 60 kii dib ula soo noqdeen, balse distoorkoodu aanu caddayn sida ay dadkaasi wax u wada yeelanayaan. Sida maamulkooda ka muuqatana ay 90% qaateen reer keliya, oo xataa iyaga laftoodu isku sii dulman.
Hase yeeshee, reeraha dega woqooyiga Somaliya amma Somaliland, waxa jira reero aan saamigoodii maamulka ku lahayn amma beesha ka midka ah Isaaq ee kolba xukunka haysata loo daba fadhiisto, dadka ay ka soo xushaan beelaha Gadabuursi amma Harti ay noqdaan kuwa matila beelahaasi, inkasta oo aanay marnaba ka dhex muuqan siyaasadda Somaliland. Ka dhex muuqan marka aan leenahay waxa ay macnaheedu tahay, aan awoodda ku lahayn.
Awdalpress





