Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hot News: Aamina Daahir Aden oo ah guddoomiyaha Farsamada Awdal State oo ka war murtiyeed ka soo saartay go’aankii ay guddidoodu dhawaan gaadheen. ( Hoos ka dhageyso )

$
0
0
awdal-states flagAwdalpress – London – Halkan waxan idiinku soo gudbinaynaa guddoomiyaha farsamada maamulka AwdalState of Somalia Aamina Dahir Aden, oo shir jaraa’id kaga hadlaysa go’aan dhawaan lagu shaaciyey shabakadaha wararka, kaasi oo  ay guddida farsamada ee ay Aamini madaxda u tahay ay ku go’aamiyeen qodobbo ay ka mid yihiin, in shirkii doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay muddo bil ah, isla markaana Madaxweyne Rashid loo kordhiyey muddo sannad kale ah oo uu sii hoggaamiyo maamulka Awdal State of Somalia.
War saxaafadeedkan amma waa sida ay u sheegeene, war murtiyeedkan ay guddoomiyaha guddiga sare ee farsamadu ay soo saartay ayaa meesha ka saaraya, warar sheegayey in Aamina laga been sheegay, oo aanay guddiga madax u ahayn.
Dhinaca kale waxa iyana war murtiyeed aan soo gaadhin shabakadda awdalpress.com laakiin lagu shaaciyey shabakadda awdalstate.com uu sheegayaa in war ka soo horjeeda go’aanka guddiga farsamo, ay ku sheegeen in ay guddi kale oo iyagu is magacawday ay samaysteen hoggaan kale oo bar bar socda kani uu hoggaamiyo Madaxweyne Rashid. Laakiin markii aan warkaasi ka daba tagnay ayaa guddiga Awdal State of Somalia ee London ay noo sheegeen in aanu warkaasi waxba ka jirin, waana sida ay hadalka u dhigeene ay jiraan koox tiro yar oo qas wada yaal ah, ujeeddadooduna aanay ahayn in ay dadkooda majaro habaabiyaan. Waxana ay noo sheegeen in ay digniin culus u direen, shacabkana ugu baaqeen in shirka lagu qaban doono gudaha Somaliya amma meel u dhaw la isku diyaariyo xagaaga soo socda.
War murtidyeedkii ay guddoomiyaha Farsamada ee Awdal State ay arrimahaa kaga hadashayna halkan hoose guji oo ka dhageyso.
Warkan waxa shabakadd Awdal State soo gaadhsiiyey.
Faysal Abdillaahi Xaaji Abdi ( Abroone)
Afhayeenka Awdal State of Somalia ee qaaradda Yururb.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles