Awdalpress – London – Ra’isal Wasaare Hailemariam Desalegn oo intii ka danbeysey geeridii Zanawi, Ethopia ka ahaa ra’isal wasaare ayaa maanta si aan hore loo sii shaacin isku casilay. Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF. Tallaabadan oo culayskeeda leh ayaanay siyaasiyiinta iyo dawladda Ethopia weli ka hadal, waxana la filayaa in ay saacadaha innagu soo fool leh ka hadli doonaan.
Dalka Ethopia waa dhul weyne ay kuwada nool yihiin qowmiyado aad u tiro badan oo kala afaf, dhaqanno iyo diimo ah. Waxana muddooyinkii ugu danbaysey aad u koray dhaqaalaha dalkaasi, sidoo kale waxa xawli aad ah ku socday horumarka kaabayaasha aasaasiga ah iyo wax soo saarka dalka.
Dhinaca kale waxa ay Ethopia muddaadaasi dheer ee ka danbeysey dawladdii Xayle Maryam ka gaashaamatay dababka ka holcaya waddammada ay ood wadaagta yihiin, inkasta oo uu dagaal qadhaadhi marar dhawr jeer ah dhex maray dalka Eritrea oo ka mid ahaan jiray dhulweynaha Ethopia.
Somalia oo ay ka dagallamaan kooxaha xag-jirka ah ayaa iyagana ay ciidammada Ethopia foodda is dareen, illaa immigana waxa Somalia ku sugan ciidammo ka socda Ethopa oo la dagaallama kooxaha xag-jirka ah, isla markaana dawladda Federaalka Somalia ka caawiya sidii uu dalka Somalia u xasili lahaa.
Isku soo wada duuboo, Ethopia waxa ay 30kii sano ee ugu danbeeyey ahayd dalka ugu xoogga badan geeska Afrika ee aan dabadii la hadal, laakiin isbeddelkan immiga yimid oo ay keentay duruufaha dalka Ethopia ka jira, sida qowmiyadda Oromada oo aad u kacsan, dhawaanna la sheegayey in ay magaalooyin badan oo waaweyn kala xidheen iyo mucaaridka Amxarada oo iyaguna dalka ka dhex wada deggenaansho la’aan siyaasadeed.
Arrimaha Ethopia kala soco awdalpress.com
Awdalpress





