Gogol dhig:
Inta aynaan gaadhin ama ka faalloon isbeddelka ku socda Ethopia, bal aan horta dib u jalleecno taariikhda, farqiga wakhtiyada ay Ethopia soo martay iyo shucuubta dalkaa ku wada nooli sida ay u kala xaddaarad iyo fikir duwan yihiin.
Marka aan isla fahanno amma aan garano muuqaalka guud ee Ethopia ayaan qiyaasi karraa sida mustaqbalka dalkaasi iyo inta ay ood wadaagta yihiin xidhiidhada ka dhaxay kara, ayaan oddorosi karraa waxa iman kara amma saamaynta ay Ethopia ku yeelan karto waddammada aan ka midka nahay ee ay Ethopia jaarka yihiin.
Ethopia.
Dalka Ethopia waa dhulweyne ku yaalla geeska Africa, waxana ay xad wadaag leeyihiin waddammada Somalia, Kenya, South Sudan, Sudan, Eritrea, Djabouti iyo Somaliland. Qowmiyado aad u tiro badan oo ku kala hadla in ka badan boqol af ayaana ku wada nool dalkaa loo yaqaan Ethopia. Waxase ugu waaweyn qowmiyadaha Oromada, Somalida, Amrahada, Canfarta, Tikrayga, Wanjeellaha, Gambellada, Benishangellada iyo qawmiyadaha ku nool koonfurta dalkaasi.
Sida la sheego waxa dalka Ethopia la yidhaa weligii lama gumaysan. Taariikhda guunka ah amma dheer ee shucuubta dhulweynahaa Ethopia ku noolna waxa soo maray boqortooyooyin aad u facweynaa oo marna borqortooyooyin kala ahaa marna boqortooyo xoog weyni ay wada maamuli jirtay. Sidoo kale waxa ay xillada qaar kala lahaayeen magacyo kala geddisan sida Abasiiniya, Adal iyo kuwa kale. Laakiin inta taariikhda la garanayo maamulladii ugu danbeeyey ee boqortooyooyinkaa ka mid ahaa, waxa ugu danbeeyey Boqor Mililik iyo Boqor Xaylesallaase, kadibna waxa dalka Ethopia ka dhacay inqilaab millatari oo uu ugu danbeyntii ku guulastay Mingisto Xayle Maryam.
Xukunkaa millitari oo dalka halakeeyey, dagaalla badan oo ay dad badani ku nafwaayeenna sababay, waxa iyana afka ciidda u daray jabhadihii ay isku bahaysteen qowmiyadaha Ethopia oo aanay Amxaradu ku jirin, ee ay hoggaaminayeen Tikrayga iyo Eritrea oo xilligaa ka mid ahayd Ethopia. Waxana hoggaanka u qabtay Mallas Zanaawi oo ahaa hoggaamiye caqli badan, oo dariiq cusub u jeexay siyaasadda iyo dhaqaalaha Ethopia. Waxana maamulka Zanaawi uu beddelay dastuurkii iyo qaabkii ay dawladda dhexe u maamulaysey dalka oo dhan.
Dalkii Ethopiana waxa uu isku beddelay dawlado Federaal ah oo si ahaan u kala madax bannaan xuduudo la yaqaanna leh. Kadibna, waxa gobol walba laga billaabay mashaariic waaweyn oo horumarineed, iyada oo laga bilaabiyo mashaariicda baahida aasaasiga ah sida biyo gelinta, wax soo saarka beeraha, waxbarashada, caafimaadka iwm. Laakiin taasi waxa ay abuurtay dhaqan cusub oo qawmiyadnimo, waxana meesha ka baxday Ethopian-nimadii midka lagu ahaa. Sidaasi daraaddeed ayaa 30 jirka maantu uu u yaqaannaa uun qawmiyaddiisa, qawmiyadaha kalena u arkaa kuwo tartan ka dhexeeyo, waxbana aanay isku ahayn.
Wakhiyadii boqortooyada amma xukunkii Dergigii, waxa dalka lagu maamuli jiray cadaadis iyo in dadka lagu hayo cagta hoosteeda, xukuumadihii xilligaasi jirayna waxba kamay qaban baahiyaha aasaasiga ah, amma loomaba oggolayn in ay dadku wax-bartaan amma horumar sameeyaan ama mashaariic loo keeno. Had iyo jeerna shakhsiyaad iyo kooxo ku dhaw boqortooyada iyo maamullada ayuun baa heli jiray fursdo wax barashado, shaqo amma daryeel kale. Sidaasi daraaddeed dadku waxa ay ahaayeen uun kuwo ku mashquula nolol maalmeedkooda iyo sidii ay u noolaan lahaayeen. Awood iyo garashna midna umay lahayn in ay ka hadlaan baahidooda amma ay dawladda wax u sheegtaan. Qofkii isku dayaana waxa loo taxaabi jiray jeelka loo yaqaannay ALAN-BAQA oo qofkii galaa uu ku dhiman jiray.
Xilliyadaa dadka Ethopia ku nool qaarkood waxa ay u noolaayeen sida cawaanka, oo xataa dhar may xidhnayn ( Way qaawanaayeen ). Laakiin waxa shacabkii Ethopia ku noolaa indhaha u furay maamulkii Mallas ee uu hoggaaminayey xisbiga EPRDF. Waxana xilligii Meles bilaabantay in nolol cusub loo billaabo shucuubta Ethopia iyaga oo aan loo eegeyn jinsi, diin iyo qawmiyad.
Muddo dhawr sano ka hor ah markii uu Meles geeriyooday, ayaa hoggaankii EPRDF uu taladii dalka halkii ka sii waday, waxana hoggaamiye cusub oo Meles beddela loo doortay Hailemariam Desalegn, oo isna aan ka leexan dariiqii Meles.
Hailemariam Desalegn oo muddo Ethopia ku hoggaaminayey siyaasad qunyar socod ah, ayaa isna 15kii bishan Feb. is casilay. Kadib, markii uu maarayn kari waayey kacdoonno uu dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalooyin ka mid ah dalkiisa. Hadal qiima leh oo uu jeediyey istaqaaladiisii kadibna, waxa uu ku sheegay in ay malaha xal tahay in uu kursiga ka dego.
La soco.




