Jigjiga(Awdalpress) Sabti, 17ka February 2018. Doorashada raysal-wasaaraha cusub waxaa ka hadhay maalmo maadaama oo aysan wali dhamaanin qiimayntii usocotay ururada ANDM ee deegaanka Axmaarada iyo ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed islamarkaana ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed laga sugayo inuu soo doorto gudoomiyaha cusub ee ururkiisa meesha ururka ANDM ee deegaanka axmaaradu uu wali isqiimaynayo.
Hadaba marka ay soo dhamaato qiimaynta ururada SEPDM iyo ANDM kadib waxaa la isugu yeedhi golaha dhexe ee EPRDF oo shir isugu iman shirkana waxaa furi raisal-wasaare Hailemariam desalegn iyo kuxigeenkiisa mudane Dembeke Mokenen waxaana halkaas lagu dooran gudi doorasho oo ka kooban ugu yaraan 5 xubnood oo tirin doonta cododka qarsoon, Kadibna 3 xubnood ama ugu badnaan 4 xubnood oo noqonaysa musharixiinta raisal-wasaraha cusub yaa lasoo dhigi iyadoo musharax kasta inuu musharax noqdo ay tahay inuu ka helo codka musharaxnimadiisa golaha dhexe kadib 3daas musharax baa cod qorsoodi ah waxaa ku dooran 180ka xubnood ee uu golaha dhexe ee EPRDF ka koobanyahay oo urur kasta oo kamid ah EPRDF uu 45 xubnood ku leeyahay . Hadaba marka ay golaha dhexe ee EPRDF ay raisal-wasaaraha doortaan sidaas ayuu raisal-wasaare ku noqonayaa. Sababtoo ah dastuurka dalku wuxuu dhigayaa raisal-wasaaraha dalka waxaa dooranaya golaha dhexe ee ku guulaysta doorashada dalka ka dhacda, mar haduu golaha dhexe doorto raisal-wasaaraha dalkana waxaa baarlamaanka dalka loo horgayn oo kali ah in lagu dhaariyo ee codna uma qaadi karaan mana diidi karaan waa sida uu Dasuurka dalku dhigayo.
Source:Cakaaranews





