Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Muse Bixi oo shalay degireeto Madaxweyne ku magacaabay mas’uulkii ugu horreyey ee ka soo jeeda degaanka Dilla iyo nawaaxigeeda, waa kuma

$
0
0

Awdalpress – London –  Madaxweyne Muse Bixi iyo M/xigeen Abdirahman Zaylici ayaa shalay qaatay go’aan ah in Ex-Wasiir Osman Sh. Abdi Sh. Mohumed uu noqdo Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka Somaliland. Hay’addaasi oo miisaan weyn leh, kana mid ah hay’adaha xisbiga Kulmiye uu isha ku hayey, ee uu ummadda ugu ballan qaaday in ay waddooyinka iyo jidadka dalka amma magaalooyinka wax weyn ka qaban doonaan.

 

 

 

Ex-Wasiir Osman Sh. Abdi Sh. Mohumed oo ka soo jeeda bariga gobolka Awdal amma degaanka degmooyinka Baki, Dilla, Idhan iyo weliba Borama ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreyey ee illaa immaga uu Madaxweyne Muse Bixi ka soo xusho degaannadaasi ballaadhan ee ay ka soo jeedaan kumannaan isugu jira waayeel iyo da’ yar waxbarasho sare haysta amma waaya aragnimo badan u leh maamulka.

 

 

 

Tallaabadan lagu magacaabay Ex- Wasiir Osman ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyey marka la eego aqoontiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa. Dhinaca kalena loo arko in wax yar laga qabtay saamiga maamul wadaagga dhaqanka u ah Somaliland ee ku salaysan beelaha. Inkasta oo aanay dadka degaankaasi ballaadhan degaa ku qanacsanayn in ay ka maqnaadaan ka mid noqoshada xukuumadda. Weligoodna aanay ka maqnaanin, intii ay Somaliland jirtayna ka mid ahaa dadka handaafiya golayaasha talada dalku ka go’do.

 

 

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa cabsi laga qabay in shacabka reer Somaliland gaar ahaan gobollada galbeedka dusha lagaga keeno, shakhiyaad qurbaha ku raagay oo la soo guryo hoyday QABYAALAD, KALA QAYBIN IYO WAX LA MID AH. Dhawaanahanna mashquul ku ahaa sidii ay isaga horkeeni lahaayeen xukuumadda Muse Bixi iyo shacabka degaannada Baki, Dilla iyo Idhan. Oday dhaqameedyada iyo waxgaradka degaannadaasina waxa ay diyaar u yihiin sidii ay talo iyo wax qabad dalka Somaliland u gashadaan, wixii dhib keenayana uga fogaan lahaayeen. Wada jirka ummaddana u xoojin lahaayeen.

 

 

LIISKA MAS’UULIYIINTA UU MADAXWEYNE BIXI SHALAY MAGACAABAY EE UU HOGGAAMINAYO EX-WASIIR OSMAN HOOS KA AKHRISO:

 

1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka

2. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka

3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada

4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada

5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay

8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kenya

 

Magacaabista  Gudoomiyaayaasha Maxkamadaha Ciidamada

 

Tir Magaca Xilka
1. Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
3. Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari
4. Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
5. Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland
6. Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka
7. Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka
Awdalpress

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images