Awdalpress – London – Wararka illaa immiga naga soo gaadhay dhiilladii qaraxyada ayaa la sheegayaa in dhimashada guud ahaan lagu qiyaasay in ay gaadhay 30 ruux, kadib markii habeenkii xalay magaalada Muqdisho ka dhacday qarax laba ah iyo is rasaaseyn xalay.
Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, dad rayid ah, askar iyo xoogag ka tirsanaa Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi oo ay sheegtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa madaxtooyada iyo xarunta nabadsugidda qaranka.
Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaadhi laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT
Awdalpress






