Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarammada Midoobay oo soo bandhigtay qorshe dagaallada Suuriya ka socda xabbad joojin bani’aadnimo lagu sameeyo intii muddo ah.

$
0
0

Awdalpress – London – Xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa la socda dedaallo xoogan oo diblomaasiyadeed, kuwaasi oo lagu doonayo in uu goluhu ka soo saaro qaraar ku baaqaya in xabbad joojin bani’aadanimo laga dhaqan geliyo dalka Suuriya.

Maalintii Khamiistii cod bixin loo qaadi lahaa arintan ayaa muddo saacado ah la hakiyey, markii dambena cod bixintaa ayaa gabi ahaanteedba la laalay ka dib markii Ruushku ku gacan saydhay.

 

 

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa qoraal u diray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, qoraalkaasi oo ay kaga codsanayaan in uu taageero qorshahan, iyada oo ay weli ciidammada dawladda Suuriya duqaynayaan bariga Quuda ee ay falaagadu gacanta ku hayaan.

 

In ka badan afar boqol iyo lixdan qof oo isugu jira carruur, waayeel iyo dad tabar daran, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerraro ba’an ilaa maalintii Axaddii ay ciidammada Bashaar iyo huwantiisu ku bartilmaameedsanayeen. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee milatariga Suuriya ayaa jiidahaasi ku daadiyey waraaqo ay ku qoranyihiin fariimo loogu sheegayo dadka rayidka ah in jidad loo calaamadiyey uun in ay ka baxaan.

 

 

Dhanka kalena danjiraha Sweden u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegay in ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay xabbad joojintan la doonayaa ay tahay in gar-gaar la gaadhsiiyo bariga Quuda oo xaaladdeeda ay Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku tilmaantay in ay tahay “cadaabtii ifka”.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images