Awdalpress – London – Heesta aan maanta idiin soo xullay oo ah hees jacayl ah iyo amuuro kale isugu jirta, laguna jilayo goob aad u qurux badan ayaa ka mid ah heesaha sida weyn loo daawaday sannadkan 2018ka, waana heesaha soo baxay 2018. Tolwo maxay ka hadlaysaa?
Dhinaca kale waxa laga yaabaa in aanay dad badani ka helin amma ay u arkaan dhaqan kale sida ay fannaaniintu isugu soo dhawaanayaan amma ay u labbisan yihiin, balse waxa aan shaki ku jirin ay gabdho badan iyo wiilal badani ka heli doonaan, oo aanay ahayn wax dhibaato iyo dhaqan xumo midna lagu sheegi karo.
Awdalpress





