Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Culayska dhabaha garoonka Cigaal waa 165.000,dherekuna waa 2466 m. Diyaaradee ku haboon? Qore:Nura C. Faarax Jire.

$
0
0
Waxa in dhawayd cadilnaa dad faro badan oo qurbo joog ah oo waayay dayuuradii qaadi lahayd.
Dayuuradaas oo diiday inay timaado ama ka soo dagto garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Hadaba maxay is way diintu tahay? Hadaan ku horeeyo garoonka iyo dib u dhiskiisa iyo hadaladii.
Wasiirka duulista iyo hawada Jamhuuryada Somaliland ka jeediyay furitaanka madaarka caasimada Hargeysa.
madaarka Cigaal ee caasimada Somaliland waxa uu xidhnaa oo dib u habayntu ku socotay muddo badan.
waxa ku baxay lacag cadadkeedu dhanyahay 4.5 milyan oo dollar.waxa masuulku sheegay in ay fadhiisan karaan.
diyaaradaha Airbus ee ah A320 iyo A310 isagoo culayska madaarkana ku sheegay 165.000, dherekana 2466m ama.
laba kiilo mitir iyo badh.isagoon kala sheegin waliba wasiirku boqol iyo lixdan iyo shanta kun inay yihiin Rodol iyo inay yihiin kg.
haday tahay tiradaasi Rodol waxay u dhigantaa 74842kg.hadaba diyaarada ku soo noqon wayday madaarku waxay ahayd.
Boeing 737/800 diyaaradaa culayskeedu waxuu yahay 174.200lb 00 dhiganta 79010kg. taas macnaheedu waxa weeye way ka culustay madaarka.
muxaa loo qasbayaa ama loo haligayaa diyaarada iyo rakaabkaba.shirkada diyaaradaha ee ethipian Airlines waa shirkad wayn.
waxay leeday diyaarado fara badan.in la tuso ayay hayd hadii la hayo oo ay shirkada madaarka dhistay diyaarisay.
waxa afka qalaad loo yaqaano (Aeronautical data) oo cadeynaysa culayska,dhererka,jooga iyo hawada iyo wax yaabo kale oo muhiim ah
taaasoo ay sharkadaha dayaaraduhu ku garanayaan dayaarada ku haboon,sida Boeing 737/700 iyo 737/400 oo uu qaadi karo.
madaarkeenu waxa yaraan lahayd dhibaatada hada taagan ayaa yaraan lahayd iyo indho iska ridka wasaarada duulista ee leh .
waxa fadhiisanaysa Airbus 320 taasoo markay madhantay culayskeedu yahay 50.000 kg.wasiirku wuxuu yidhi Hargeysa maaha
sea level waa la ogyay xataa berbera maaha sea level laakin jooga iyo hawadu waa inay xogta madaarka ku jiraan isagu se wuxuu sheegay 4000
oo waxay yihiin aanu raacin metir baa ma foot baa?hawadiina kumuu darin taasi waxay muujinaysaa inaanu xogta madaarka aanu haynin.
sababtuna waa shaqsiyaadka dhisay madaarka oo aan lahayn aqoontii loogu talo galay dhismaha madaarka wasiirku wuxuu sheegay
in qandaraaska la siiyay shirkad Shiine ah iyo muwaadin reer somaliland ah hadana wuxuu sheegay in nimankii shirkada Shiine markay qalabka
intii u horeysay rakibeen dawladoodii u yeedhay una diiday inay ka shaqeeyaan dalkaas. hadaba meeshii yaa soo hadhay waxa soo
hadhay muwaadinkii muxuu yahay muwaadinku? Magaca muwaadin ma shirkad baa? waxa uu uu sheegay wasiirku in ay wakhti badan ku qaadatay
muwaadinka aqoon darro kala daristay howsha oo ku cusub hadaba mar hadii shirkadii qandaraaska qaadatay dalka ka baxday
maxaa dib tartan loogu qaban waayay shirkadihii ka qayb galay markii hore shirkadahaas oo mid ahayd shirkadii dhistay
madaarka magaalada Jigjiga oo waliba ku dhistay lacag ka yar tan hada ku baxday madaarkeena.intaas marka laga yimaado
waxa jira laba arimood in ay wasaaaradu xil iska saarto ay tahay  amniga iyo badbaadada(safety and security) diyaaradu
inay ka hadasho hadaan madaarka  loo dhamaystirin howlihiisa xaga amaanka ahaa oo  siliga dayrka u ahi kaw ka yahay.
badbaadaduna iyana waa muhiim waa taan ka soo hadlay ee ahayd
in diyaarada iyo dhabaha la is waafajiyo.intaa ka dib waxan leeyahay dhaliishu waa  u dan masuuliyiinta isaga kala sareeya dowlada waayo
waxay hayaan waa hawl dadka ka dhaxaysa wax kastoo la qabanayaana dhaliil way  yeelan karaan hana yaraato hana waynaatee
dadka caammada ah ee moodaya in qabiil ahaan loo dhaliilayo masuulka hawl si khalad ah u qabta siday doonto ha uuga khaldantee
aqoon darro ama badheedhba waxan leeyay meesha waxa uu u joogaa waa  in uu hawl qabto waliba waxan aad farta ugu fiiqayaa waxa
weeyaan lacagaha dawarada ah ee dawladaha qaniga ahi ina siiyaan in aan danno gaar ah looga faa’iidaysan ee wixii lagu qabanayo
loogu hagar baxo si bulshadu ugu aydo hadhow. masuuliyiinta sharafta leh ee hay’adaha dawlada xukumana waxan leeyay aqoon ku darra
waxa aad qabanaysaan maaha khasab inaad idinku yeelataan aqoonta laakin dadka leh isticmaala
 si aan mar kale iyo hadhow idiinku soo noqon hawshaasi.dadka masaakiinta ah ee caydha ah ee inta
badani quutal daruuriga dirqiga ku helaan ee idin aaminay iyagana ha khiyaamaynina.
Allaa mahad leh.
Qore:Nura C. Faarax Jire.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images