Awdalpress – London – Ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay hub iyo qalab loo adeegsado qaraxyada ka dib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Baledweyne.
Ciidammada ayaa sidoo kale waxaa ay soo qabteen rag hubeysan oo aan ka mid ahayn ciidammada dowladda kuna sugnaa guri ku yaalla xaafadda Oktober ee Baledweyne.
Awdalpress






