Awdalpress – London – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in muranka ka dhashay bixinta cashuurtu uu saameyn adag ku yeeshay dawladda gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda.
Wuxuu sheegay Wasiirku in bishan Feberaayo Wasaaraddu aanay soo xeraynin dakhli badan, balse ay meelmariyeen bixinta mishaaraadka.
”Murankaa iyo Khilaafka ka dhashay dhinaca canshuuraha waxaa ay sababeen in aanay bishan wasaaraddu soo xareynin dakhli badan, laakiin haddana waxaan ku talagalsannahay in aan bixinno mishaaraadka intoodii badneydna waan saxiixay” ayuu yidhi Wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa sheegay in canshuurta gedista ee 5% dowladdu xaq u leedahay in ay qaado, isaga oo ku booriyay ganacsatada in ay canshuurta ku waajibtay iska bixiyaan.
”Wada hadallo ayaa weli arintan nooga socda, qof kasta iyo goob ganacsi kasta in ay canshuurta bixiso weeyaan, haddii kale waa in waddanka leysaga tago” ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka.
Mar uu ka hadlayay xifaaltanka ka dhaxeeya Wasaaradda iyo ganacsatada ayuu yiri” xifaaltanku waa jiri karaa, laakiin heshiis ayaa ayaan doonaynaa. Sida dalkaan ku dhismi karaa oo duruufaha jira la isla garto, labo waddan oo wada hadal ku jira ma nihin, waa la doodayaa, dad isku mid ayaa nahay ganacsatada fahamkooda waa wanaagsan yahay, heshiis baan gaarnay”ayuu yiri Wasiir Beyle.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wali muuqda kuwo ka biyo diidan go’aanka Wasaaradda Maaliyada halka dhinaca kale Wasaaraddu ku adkeysaneyso in leyska bixiyo Canshuurta.
Sourcce HOL
Awdalpress





