Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trump oo si been abuur ah loogu ‘magacaabay’ abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka

$
0
0

Awdalpress – London – Guddiga caalamiga ah ee bixiya abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka loo yaqaano ayaa gal dacwadeed ka furtay booliiska dalka Norway, kadib markii ay soo baxday in si turuufo ah ama been abuur ah madaxweynaha Maraykanka loogu magacaabay in uu helo abaalmarinta Nobel-ka.

“Waxaan aaminsanahay in magacaabista Trump ay tahay mid been abuur ah” ayuu yiri agaasimaha mac-hadka Nobel ee Olav Njølstad.

 

Dadka soo jeedin kara qofka la siinayo abaalmarinta Nobel-ka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaannada, wasiirrada, bareyaasha jaamacadaha, iyo waliba dadkii horay abaalmarintan u qaatay, waxayna tahay in soojeedinta ama magacaabista la soo gudbiyo kama dambeys 31-da bisha Janaayo sannad kasta, waxaana qofka guulaystay la soo xushaa bisha Oktoobar.

 

Lama oga qofka soo jeediyay magaca Trump, balse waa qof ku sugan Maraykanka.

 

Waxaa la sheegay in qof iska dhigaya in uu yahay qofkii xaqa u lahaa in uu soojeedin sameeyo, markii qofkii saxda ahaa la wacayna waxa uu sheegay in uusan isaga soo gudbinin wax magacaabis ah.

Sanadkii 2009-kii markii abaalmarintan la siiyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa aad loo dhaleeceeyay guddiga, waxaana la sheegay in Obama uusan xiligaas u qalmin in la siiyo abaalmarin nabadeed xili ciidammada Maraykanka ay dagaal kaga jireen dalal badan.

Illaa afar madaxweyne oo soo maray Maraykanka ayaa illaa hadda qaatay abaalmarintan.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, 329 musharax oo isugu jira 217 shaqsi iyo 112 hay’adood ayaa sanadkani u tartamaya abaalmarintan, dhammaantoodna waa sir aad u saraysa in la ogaado kuwa ay yihiin.

Waxa uu wargeyska sheegay oo kale in qofka been abuuray magacaabista Trump uu sidoo kale falkan sameeyay sanadkii hore, kiiskana hadda gacanta loo galiyay hay’adda FBI-da Maraykanka oo qeyb ahaan baaraysa.

 

 

Source BBC

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images