Awdalpress – London – Tiro Hoobiyeyaal ah oo duhurnimadan maanta ku soo dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ayaa sababtay dhimo dhawr ah iiyo dhaawacyo.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay saxaafadda xorta ah ayaa faah faahin ka bixiyay Hoobiyayaal lagu soo tuuray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duulleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay in labo Hoobiye oo ay soo tuureen waa sida uu hadalka uu u dhiggaye Al-shabaab, ayaa mid ka mid ahi uu ku dhacay Xaafadda Baar-Ayaan waxana uu sababay sababay dhaawaca ilaa Shan ruux kaddib markii uu ku dhacay gurigii ay ku jireen, halka kan kalana uu meel cidlo ah ku dhacay wax khasaare ahna sababin.
Hoobiye-yaashan oo aan weli la garanayn halka laga soo tuuray, ayaan sidoo kale la aqoon halka uu bartilmaameydkoodu ahaa, iyada oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ku dhowaad ilaa Lix Hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen xaafadaha Baar-ayaan, Cali-kamiin iyo aagga Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho.
Waxaa la sheegay in Madaafiicdan ay geysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, khasaaraha ugu badan ayaa Madaafiicdan waxa ay u geysteen dad ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taalla demada Warta-nabadda.
Saraakiisha gaadiidka deg degga ah ee Ambalaaska loo yaqaan, ayaa waxa ay noo sheegeen in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan Gaadiidkooda, waxayna soo qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Madaafiicdaasi.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiicdan ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Lix qof oo kale, kuwaasi oo isugu jira rag iyo Dumar.
Maamulka degmada Warta-nabadda iyo Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta ay ku soo dhaceen Madaafiicda, waxayna wadaan baaritaanada la xiriira falkan iyo halka loo maleynayo in laga soo tuuray Hoobiyeyaasha.
Source: Dayniile
Awdalpress





