Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Khaarajiga oo ka warramay heshiiskii ay la galeen DP Word iyo Ethopia ee maalgashiga dekedda Berbera. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Mudane Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa ka warbixiyey heshiiska ay la galeen DP World iyo Saamiga ay Ethopia ku yeelan doonto, sidoo kale waxa uu faah faahiyey shaqada laga qaban doono dekedda Berbere iyo xilliga shaqada dhismuhu bilaabmi doonto.

 

Dhinac kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey saamiga Ethopia oo ah 19% iyo  in ay tahay 80 Milyan oo doller oo maal gashi ah samayn doonto iyo ganacsigeeda oo u soo mari doona dekedda Berbera. Sidoo kale dekedduna ay u samayn doonto khadamaad iyo shaqo. Hadalkiisa buu yidhi,  ‘in ay taasi meesha ka saari doonto ganacsigii dhinaca ka rarraa ee ay Somaliland uuni wax ka soo iibsan jirtay Ethopia, sidaasi daraaddeedna la heli doono wax is dhaafsi’.

 

 

Laakiin wasiirku kama uu hadlin sharciga caalamiga ah ee ay heshiiskaa ku galeen, kaasi oo ay dawladda Somalidu ka biyo diidday, kuna dhawaaqday in aanay heshiiskaa raalli ka ahayn.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images