Awdalpress -London – Wararka immiga naga soo gaadhaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi uu ka dhacay xarun ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmadaasi.
Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa gaadhiga lagu fuliyay nooca loo yaqaano NOAH oo beegsaday xarunta ciidanka.
Ciidammada ku sugnaa xerada ayaa waxa ku jiray ciidamo ay tababareen Imaaraadka Carabta oo saldhig ku lahaa degmada Afgooye.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxa kaddib la maqlay rasaas culus, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Guud ahaa marka la eego xaaladda degmada ayaa kacsan, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka, waxaa istaagay isu socodkii ganacsiga iyo dadka, inkastoo maalin jimco ay tahay oo inta badan isu socodka uu yar yahay.
HOL
Awdalpress




