Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ra’iisal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa toos uga hor yimid heshiiska DP World iyo maamulka Somaliland

$
0
0

Awdalpress – London – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli ra’iisul wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aanay qeyb ka aheyn, lugna ku laheyn, isagoo xusay in mowqifka dowladda uu yahay midka ay soo saartay Wasaaradda dekeddaha iyo Gaadiidka Badda ee ay heshiiskaas ku tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah.

“Mowqifka dowladda Soomaaliyeed waa midka ku cad, midka ay soo saartay wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, heshiis walba la galayo oo masiiri ah, deked ha ahaato ama kheyraad dalka meel walba oo ay tahay waxaa u igman kaliya dowladda federaalka, ansixintiisa waxaa leh Baarlamaanka, waxaa mar labaad hoosta ka xariiqayaa in shirkad walba oo dunida ah oo raba in dalkeena maalgashadaan waa soo dhoweyneynaa, laakiin waa inay soo maraan daqriiqa dhabta hey’adaha dastuuriga”ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha oo si geesinimo leh uga hadlay go’aanka dowladda ee ku aadan heshiiska dekedda Berbera.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkad walba oo aan soo marin dariiqa sharciga ee ku soo xadgudubta dalka ay la tiigsanayaan sharciga, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin.

Source HOL

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images