Awdalpress – London – Weriyaha caanka ah ee Abdillaahi Mohamed Ali kana hawl geli jiray TVga qaranka iyo TVga Kalsan ayaa aragtidiisa kaga faallooday heshiiskii DP World, Ethopia iyo Somaliland ay ku wada sexeexeen Dubai ( UAE ). Heshiiskaasi oo ay Dawladda Federalka Somalia ay ka biyo diidday. Isla markaana ay ka soo saartay war-saxaafadeed maqal iyo muuqaal ah.
Laakiin weli lama hayo jawaab ay xukuumadda Somaliland ka bixisay hadallada sharciga ah ee uu Ra’iisal Wasaare Khayre kaga hor yimid heshiiskaasi xasaasiga ah. Faalladan weriyuhuna waxa ay noqonaysaa hadalkii ugu horreeyey ee garab siiya heshiiskaasi.
Faallada uu weriyuhu ka bixiyeyna sidan ayey ahayd:





