Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

WARQAD FURAN : Jawaab ku socota Siciid Cilmi Roobe ( Salla-Calee )

$
0
0

FARRIIN NAGA SOO GAADHAY MUWAADDIN KA MID AH MACAAMIISHA AWDALPRESS.COM, OO WAA SIDA UU NOO SHEEGAYE KA BIYO DIIDAY DHAWAQ KA SOO YEEDHAY XILDHIBAAN SHARCIGII DALKA KUFSI KU HAYA.  QABYAALADINA AY KA CARARTAY.

 

Mudayaal marka hore salaan iga guddooma.

 

Xildhibaannada beesha dhexe ee uu ka midka yahay ninka lagu naanayso Salla-Calee, waxan moodi jirray in ay intan caqli dhaamaan, waayo Siciid oo kale  isaga oo jooga golihii sharciga ayuu ku hadlayaa, hadalkii qaad-wala-yaasha iyo suuq joogga.

 

Bal hadda u fiirso hadalladiisa uu ku tiraabiyo, ‘ Madaxweyne Isaaq ka guur oo Harti u badi dawladda’. Xataa miyuu hadalkiisa dheelli tiro oo uu yidhaahdo beelaha darifyada, malaha taasi ayaaba ka yara reer magaalsan.

 

Laakiin siiyaasiyiinta uu ka mid yahay waxa reer Borama ka soo saari doonaan go’aanno cad cad iyo war-baahinta oo lagu soo nashrin doono farahooda iyo waxa ay yihiin.

 

Siciidna waxan leehay, xildhibaan ka noqo hadalla qabyaaladda ah ee aan golaha iyo xilka aad hayso midna looga baahnayn. Gadabuursi, Ciise, Ma-dhibaan, Isaaq,  Hartina iyo beelaha kale ee Somaliland degaaba waxa ay u baahan yihiin caddaalad ee caddaaladda ka hadal, sharciga ka hadal.

 

Immigana aan wada daawanno waxa uu xidhibaankaasi ku hadlayo

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images