Hadalka Muse waa sheeko lagu maddadaalinayo maan-gaabka qabyaaladdu halakaysey, waxase uu u hadlayaa dad gaar ah iyo damaca dhaqaale ee ay dadkiisa oo qayb ahi ka heli doonaan heshiisyo shirkado lala galo iyo boobka hantida qaranka ee la wada leeyahay, balse uu afka ka qabtay inta badan, miyaanuse ogayn in hadalkiisa noocan ahi yahay mid uu u hadlayo beelaha reer Somaliland ee ku dhex dulman Somaliland. Miyuuse mooggan yahay in dad caqli lihi dhageysanayaan sheekadan la iska fahmayo. Muse Bixi miyaanu ogeyn in uu 70 jir yahay ammaba uu kor u dhaafay, wakhtiga uu sheegan karo in uu dalka ka taliyaana tahay ayaamo tirsan iyo inta uu sii noolaan doono oo iskaba kooban. Sidaasi daraaddeed, haddii Muse uu sharaf iyo wanaag la doonayo Somaliland horta gudaha dalkiisa ha ka billaabo, oo caddaaladda iyo wax wada lahaanshaha ha saxo. Kadibna halla yoo yootamo Somalia iyo dalalka jaarka ah.
Awdalpress – London – Shacabka amma beelaha ka soo jeeda gobollada Somaliland ( Awdal, Salal iyo bariga Somaliland amma beesha dhexe qaakood amma kuwa dhaqanku dulmay ), ayaa dhammaantoodba la yaabay hadalka macna darrida ah ee isugu jira cabashada, hanjabaadda iyo beer laxawsiga beeshiisa.
Hadalkaasi oo ku soo beegmay xilli uu Muse Bixi laftiisu dhex dabbaalanayo dulmi iyo dibin daabyo uu ku hayo beelaha darifyada. Iskana dhigayo in uu la hadlayo xukuumadda Muqdisho.
Ma u kas iyo faan faan ayuu ku hadlayaa, mise waanu ogayn in maamulkiisu caan ku noqday dulmi iyo qabyaalad. Ma waanu ogayn in uu yasay amma aanu waxba ka soo qaadin shacabka deggen Somaliland ee muwaadiniinta ah, ee uu ula dhaqmay sida uu ku eedaynayo Somaliya.
Shacabka ka soo jeeda gobollada galbeedka Somaliland xilligan lama xaquuq aha shacabka gobollada dhexe ee Somaliland, waayo xaqoodii ma haystaan, reer wal oo ka tirsan gobolladaasina cidlo amma wax la mid ah ayey ka taagan yihiin awood qaybsiga Somaliland. Samir iyo rajo aan jirin ayeyna dha’yarta degaannadaasi isku xakamaynayaan. Waxase soo socota in ay ka hadli doonaan oo aanay sii eegan doonin afar shaqaala ah oo aanu isku geynta mishaharkoodu dhammayn afar kun oo doollar iyo wax la mid ah.

Awdalpress