Awdalapress – London – Maqaal hore waxan kaga sheekaynay taariikhda DP World oo gaaban, waxanan ku sheegnay in ay tahay shirkad caalami ah oo miisaankeeda leh, dawlado 40 ka badanna la soo gashay heshiisyo ganacsi, dhisme dekedeed iyo maamul dekedeedba. Illaa iyo immigana dunida ku sii fiddaysa. Intaa ay soo jirtay amma ay dalal ka soo hawl gelayseyna khasaare iyo faa’iidaba kala soo kulmeysey, heshiisyo jabay iyo kuwa hirgalayna waaya arag ku ah. Sidaasi daraaddeed, in ay Djabouti isku khilaafaan danahooda gaarka ahina maaha mid sidaa u sii ridan, sida laga warqabana waxa ay ku kala bixi doonaan xeerka caalamiga ah ee heshiisyada nooca dhex maray, oo ay maxkamad isla hor tegi doonaan.
Somaliland iyo DP World
Waxa aan ognahay in aanay Somaliland ahayn dal weli dunidu ictiraaftay, sidoo kale waxa aan shaki ku jirin in aanay weli waaya arag ku ahayn hab dawladnimo oo ay heshiis 30 sano ah kula gasho shirkado waaweyn iyo dawlado. Haddana marka la eego baahida uu dalka Somaliland iyo dadkiisu qabaan, waxa lagama maarmaan ah in kolba xukuumadda jirtaa dunida ka soo shukaansato shirkadaha waaweyn ee khayraadka dalka maal gashada. Sidaasi daraaddeed ayaa dawladdii Siilaanyo heshiis is-afgarad ula gashay shirkaddan DP World. Kaddibna waxa heshiiskii is afgarad la hor geeyey Baarlamanka Somaliland si ay u anxisiyaan amma u diidaan. Laakiin heshiiskaasi ma wadan qoraalladii iyo faah faahin midnaba.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo hor yimid Baarlamanka Somaliland 6 August 2016 siduu u sharraxay heshiiska DP World;
Wasiirkii Madaxtooyda Somaliland oo taariikhdu markay ahayd 6/08/2016 isna hor yimid baaramanka Somaliland siduu u sharraxay heshiiskii DP World iyo Somaliland.
Su’aalihii ay xildhibaannada qaar weydiiyeen wasiirrada difaacaya heshiiskaa DP World iyo Somaliland ee hor yimid baaralamanka iyo maanta halka ay marayso bal aan eegno.
Laakiin heshiis ha lala galo DP World amma shirkado kale, su’aashuse waxa ay ka taagan tahay heshiiska ayaa la galay DP World? Markii la gelayey heshiiska noocan ah ayaa dalka u matilayey? Mase la diyaariyey daraasado ku dhisan sharci iyo wada tashi? Jawaabaha su’aalahaasi waxa ku hoos qarsoon in heshiiskaasi yahay mid ceeryaamo ku gadaaman tahay oo aan u caddayn ummadda iyo golayaasha xeer dejinta amma xisbiyadaba. Sawirka aadka u muuqadaana uu yahay uun in siyaasiyiinta reer Somaliland oo dano shakhsi ah lihi ay afduubayaan amma kufsanayaan masiirkii ummadda amma tii qaranku oo ay kolba si u dhigayaan. Waxana taasi ka markhaati ah bulshada reer Somaliland ee danaynaysa jiilka mustaqbalka dhaxli doona dalka Somaliland inaanay in badani heshiiskan u arkayn mid daacad laga yahay, balse siyaasiyiin iyo kolba inta xukuumadda ku dhaw dhawi ka macaashayaan.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa xilligan ii muuqata in Madaxweyne Muse Bixi uu u eg yahay mas’uul aad uga fekeraya sidii uu arrimo badan isku waafajin lahaa. Waxana uu immiga ku jiraa la tashiyo, xog urursi iyo dhinicii uu u tallaabsan lahaa.
Arrimaha ugu waaweyn ee hor yaallaana waxa weeyi:
- Heshiiska DP World iyo Ethopia lala galay oo uu ugu horreyn daraasaynayo faa’iidada wakhtiga dhaw iyo wakhtiga dheerba uu dalka iyo dadka u yeelanayo.
- Sharci yaqaannadii iyaguna eegi lahaa, kana talo bixin lahaa amma qiimayn lahaa heshiiskan, oo haddii ay wax qaldamaan loola noqon lahaa.
- Saamaynta uu heshiiskani ku yeelanayo cashuurtii dekedda ka soo bixi jirtay iyo in ay DP world lafteedu cashuur ka bixin doonto faa’iidada ay ka hesho maamulka dekedda.
- Wakhtiga uu hirgeli doono heshiiskani iyo hawsha dekedda amma waxa laga filayo DP World goorta uu bilaabmi doono iyo goorta uu dhammaan doono.
- Maaddaama aanay Somaliland ictiraaf caalami ah haysan ka dawlad ahaan, sidii ay ula xaali lahayd Somalia oo ka hor timid heshiiskan.
- Xidhiidhka dawladaha Djabouti oo heshiiska DP World dhaawici karo, maaddaama ay Djabouti dalkeeda ka saartay shirkaddaasi. Somalilandna ay xidhiidh ganacsi oo ballaadhan la leedahay Djabouti.
Lixdaa qodob iyo kuwo ka kale ayaa maanta Muse Bixi xal uga baahan. Waxana u dheer kala qaybsanaanta qabiil ee mucaarid iyo muxaafid lala kala saftay. Oo hab beelaysan loogu kala qaybsamay heshiiskaasi DP World.
UAE iyo DP World maxay kala yihiin?
DP World iyo UAE waa laba kala duwan, waa dawlad iyo shirkad saami lay ah. Laakiin waxa jira dano ay dawladda Emarat-ku ka leedahay gobolka geeska Afrika iyo caalamka kale oo ujeedkiisu yahay sidii ay ganacsigeeda u ballaadhin lahayd.
Dawladda Emerat-ku ma mooga in ay Somaliland tahay dal yar oo aan awood dawladeed iyo ictiraaf midna dunida ku lahayn. In isha lagu hayo, oo loo arkayo in ay itaal darridaa ka faa’iidaysanaysana way og tahay. Haddana waxa shirkaddeeda DP World ka go’an in ay dhul xeebeed kasta iyo deked kasta oo mandiqadda ah talo ku yeelato. Sidaasi daraaddeed ayaa ay dekedaha geeska Afrika ay gobol gobol iyo waax waax heshiis ula gelaysaa.
Siyaasiyiinta Muqdisho kuwa ugu codka dheer oo isna ka hadlay DP World, muxuuse yidhi?
Sidee guud ahaan Muqdisho looga arkaa heshiiska DP World iyo Somaliland. Halkan ka daawo:
DP World waxa ay isku dayi doontaa in ay qaaddo tallaabo kasta oo ay heshiiskaa ku bad-baadin karto, haddii si sharci ah amma si kale looga hor timaaddo heshiiskan. hababka ay u mari kartaana waxa mid noqon kara, iyaga oo isku dayi doonto in ay dawladda Somalia oo kale ku marsiiyaan xeelad iyo niyaadmo kale, inkasta oo ay sharciyada qaar dhabar jab ku noqon karaan. Sidaasi awgeed dhawaqa xilligan ka soo yeedhay ra’iisal wasaare Khayre oo culayskiisa lehna waan eegi doonnaa halka uu biyo dhigto.
Haddii uu heshiiskaasi hirgalo waxa dhici karta in dhinaca dhismaha dekedda Berbera iyo shirkaddan DP World ay woxoogaa ballaadhiyaan dekedda, isla markaana ay ku soo kordhiyaan qalabyada casriga ah ee lagaga shaqeeyo dekedaha. Balse waxa aan caddayn muddada uu dhismahaasi qaadan doono iyo sida ay dekeddaasi u shaqayn doonto amma lacagta ka soo baxdaa halka ay tegi doonto.
Xilliganna shirkaddu shiki badan ayey ka qabtaa heshiiskan, waayo waxa ay khasaare kala kulantay heshiiskii dekedda Doraleh ee ay Djabouti la saxeexatay sannaddo horteed. Shakigaa oo dhismaha dekedda Berbera ku keeni kara in uu si gaabis ah u socdo, oo la isku qiyaaso 30 ka sano ee cahadka la galay iyo dhismaha dekeddaasi. Taasi oo ay kaga fogaan karaan khasaare ay kala kulmaan haddii heshiisku socon waayo.
Si gaabis ah amma loox jiid loo dhiso dekedduna waxa ay la macno tahay, in dhaqaalaha lagu dhisi doonaa uu ku salaysnaan doono, kolba macaashka ka soo baxa dekedda, oo ay saddex geesoodka heshiiska wada galay u qaybsadaan sida saamigu yahay. Sidaasina dani uguma jirto Somaliland, waana khasaare aad u weyn oo wakhti lagaga luminayo.
Awdalpress





