Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliya iyo Turkiga oo heshiis biyo xidhiin ah kala saxiixday

$
0
0

Awdalparess – London -Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Somalia iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TIKA,  ayaa kala sexeexday mashruuc wax lagaga qabanayo biya xidheenno laga samaynayo jiidaha webiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey. Munaasabaddii lagu soo bandhigay sidii loo guda geli lehaa mashaariicdaasi waxa goob-joog ka ahaa ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DF Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guleed iyo mas’uuliyiin ka mid ah Golaha Wasiirrada, Ganacstada beeraleyda dalka, Safiirka dalka Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

 

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimadda uu leeyahay heshiiskani faah faahin ka bixiyay.  Waxana uu sheegay in mashruucani faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda, sida: Biya xidheennada laga samayn doono goobahaasi oo biyo ku filan siin doona dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

 

 

Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskani  wax badan ka tari doono fatahaadda uu sameeyo Wabiga Shaballee gaar ahaan xilli roobaadka. Fatahaadaha uu webigani sameeyo oo dhibaato weyn u geysta dhul beereed iyo sidoo kale deegaanno badan oo dadweyne aad u badani deggan yihiin.

Isku xidhaha Hay’adda TIKA Galib Yilmaz, ayaa isna sheegay in mashaaricdani horumarineed  ay  ka shaqeyn doonaan sidii wax looga qaban lahaa biyaha Wabiga shabeele iyo keydka biyood loo samayn doona.

Safiirka dalka Turkiga  Soomaaliya  Olgan Baker  oo munaasbadda ka hadlay ayaa waxa uu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ka go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Somalia.

 

Waxa kale oo uu Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar carrabka ku dhuftay in ay rajeynayaan in muddo sannad gudihii ah uu mashruucani ku soo dhammaado.

 

 

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ahna ku-simaha  Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Ayaa isna  sheegay, ‘haddi uu hirgalo mashruucaani in 10 arrimood oo muhiim ah  uu wax ka qaban doono.

 

 

ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa tibaaxay in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xidheenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka kordho lana yareeyo cunna yarida iyo gaajada.
  2.  Helitaanka Biyo joogta ah, Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
  3.  in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii, gurihii u gudbaya baa’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa koraya marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeena.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images