Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidammada ammaanka ee dalka Kenya oo baadi goob ugu jira sidii ay u soo qaban-qaban lahaayeen niman hublay ah oo ka tirsan Al Shabaab gudahana u galay dalkaasi.

$
0
0

Awdalpress – London – Wararka naga soo gaaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Saraakiisha ciidammada Booliska Kenya ay sheegeen in ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu arkay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

 

Dad deggen magaalada Mandera meel ku dhawi,  ayaa ciidammada ammaanka  u soo gudbiyeen in arkeen rag hubeysan, kuwaasi oo aan aheyn ciidammada Booliska.

 

 

Af-hayeen u hadlay Saraakiisha Ciidammada Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in hublay dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah dalka Kenya.

 

Awdalpress

 

 

Cabsi weyn ayaa ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, sidda uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Mandera.

 

 

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Waqooyi Bari aytaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku jiraan heegaan, maadaama dadka degaanka ay soo gudbiyeen in dagaalyahanadaasi ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya.

 

 

Amniga degmada Mandera ayaa si adag loo adkeeyay , xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerareen degaano hoos yimaada Mandera


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images