Gogol dhig
Maaha markii ugu horreysey ee ay quwadaha waaweyn ee dunida ku amar ku taagleeya iyo dalalka dhaqaalaha xooggan lihi u kala tartamaan xeebaha iyo dhul-weynaha geeska Afrika amma Asiya. Laakiin sida aan taariikhda ku soo marray waxa tartankani soo taxnaa illaa iyo wakhti hore.
Laga soo billaabo wakhtigii gumaystayaashii Yurub ay qabsadeen afrika ama qaarradaha kale ee dunida iyo xilligii ay socdeen dagaalladii dunida ee 1aad iyo 2aad illaa iyo wakhtigii uu socday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey bariga iyo galbeedka. Waxa lagu dagaallamayey amma loo kala badinayey dhul xeebeedyada dekedaha leh amma marinnada maraakiibta adduunku maraan. Oo loo sii marayey suuqyada iyo dhul weynaha Afrika amma Asia.
Maanta iyo xaaladaha ka jira geeska Afrika amma dalalka ku xeeran.
Dagaalka dhaqaale amma siyaasadeed ee ka jira bariga dhexe amma geeska Afrika ayaa ah mid loo kala saftay kooxo, kuwaasi oo kala taageera siyaasadaha murugsan amma xoogga la isku muquuninayo ee ka jira dhulyowgaasi. Tusaale ahaan waxa aan aragnaa dagaallada ka socda Yaman ee ay kala taageeraan Waddammada is-bahaystay ( Saudi Arabia, Emirates, Masar ) iyo Iran amma dagaalka Suuriya ka socda ee ay quwadaha waaweyni kala taageersan yihiin. Iraq ayaan aragnaa in iyagana ay carab iyo duwalka waaweyni kala taageerayaan kooxaha is haya, sida Sunniyiinta, Shiicada, Kurdiyiinta, kooxdii Saddam ee xisbul Bahath iyo kooxo kale. Afqanistan ayaa iyagana lala kala safan yahay Shica, Sunni, Talabaan iyo Xukuumadda ay reer galbeedku xoogga geliyeen.
Murannada iyo isfaham waaga dagaalladaasi waxa uu soo dhex galay waddammadii Khalijka oo loo kala saftay kooxda ay hormuudka ka yihiin Saudi Arabia iyo Emirate, halka dhinaca kalena lala saftay Qadar oo Turkeyga iyo Iran ay la safan yihiin.
Dhinaca geeska Afrika waxa iyana muddaba isha lagu hayey deggenaansho la’aanta ka jirta dhulka Somalida, gaar ahaan Somalia. Halka Somaliland iyo Djabouti loo arko dhul xeebeed aad u nabdoon, xidhiidh fiicanna la leh Saudi Arabia iyo Emirates-ka, oo ganacsi fiicanina u dhexeeyo. Laakiin waxa mar dhacday in Djabouti iyo Emirate ku ay u dhawaadeen in ay safaaradaha kala qaataan, kadib markii if faham waa dhinaca wax is dhaafsiga ahi dhex maray, balse markii danbe la xallilay khilaafkii.
Sheekadu waxa ay soo socotaba, dhawr sano ka hor ayaa dawladda Djabouti iyo shirkadda DP World wada galeen heshiis lagu dhisayo deked maamulkeeda loo saxeexay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Emirate ka. Muddo yar ka dibna, waxa ay isla shirkaddaasi DP World heshiis la gashay Somaliland, Puntland iyo Kismayo.
Sannadkan cusub ayaa waxa mar keliya dhacay is-beddel aan caadi ahayn, oo soo dedejiyey siyaasadaha qarsoon. Waxana ugu horreynba heshiiskii DP World jabiyey Djabouti oo dadka qaar leeyihiin waxa ay ka masayrtay dekedda Berbera ee DP World iyo Ethopia ku shuraakoobeen. Halka dadka qaarna leeyihiin DP World ayaa la timid sheeko ka baxsan wixii lagu hesheeyey. Inkasta oo xogo hoosena ay sheegayaan in Djabouti iyada lafteedu ku qanci weydey heshiiskii DP World ay la gashay, beddelkeediina ay hoos ula heshiisay shirkad Chines ah.
Isku soo wada duuboo, waxa sheekadii isugu timid heshiiskii DP World ee Berbera iyo dawladdii Somalia oo mar keliya afka qacanta gelisay, dacwado ka gudbisay Emirates-ka, illaa Baarlamankii Somaliyana sheekadiiba sii durkiyey, oo ay gaadhsiiyeen….DP WORLD WAA IN AY DALKA SOMALIA KA BAXDAA. Dhiggooda Hargeysa ka taliyaana sidii ay u qaylyayeen uu carrabkii ka ballaadhay, wadnihiina caddaaday.
Faa’iido iyo khasaare ayaa ku qaba arrinahaasi dhacaya?
Emirates-ku waa dalal si fiican ula macaamili jirtay Somalida, dawladdeeda iyo shacabkeeda si fiican u soo caawiyey. Isku hallayntii xidhiidhkaa fiicnaa ayaa shirkaddeeda DP World ku hoggaamiyey in ay heshiis la gasho Somaliland oo aan ahayn dal ictiraaf dawladeed haysta. Haddii ay dhacday in shirkaddaasi Dubai laga leeyahay heshiiskaa gashana, waxa dawladda Somalia la gudboonayd in ay si hoose ula xidhiidhaan shirkadda iyo maamulka Emaaradda Dubai. Laakiin waxa ay ceeb iyo fadeexadi kawsatay markii uu ra’iisal Wasaare Khayre uu si qaawan uga hadlay saxaafadda, isaga oo ujeedkiisu ahaa in uu qanciyo shacabka Somaliyeed. Kadibna, waxa xigtay in uu dacwad ka gudbiyey. Aragaguxu waxa uu bilowday markii uu maamulkii shirkadda DP World uu wacad ku qaaday in ay Somaliland kor iyo hoosba ula macaamili doonaan, heshiiskuna uu socon doono.
Somaliland oo dhexdeeda siyaasad ahaan dawakh badani ka jiray, ayaa waxa mar keliya u furmay albaab aanay weligeed filanayn. Waxana malaha run noqotay ruyadii heshiiska Berbera ee ahaa: Barwaaqo ayaa ka dillaacaysa Berbera. Sida muuqatana waxa ficil u taageeri doona dawladda Emirate ka iyo xulafadooda, shirkadda DP World na waxa ay ka dhabayn doontaa dhismaha dekedda Berbera oo si casri ah loo dhisi doono. Taasina waxa kaaga markhaati ah diyaaradda khaaska ah ee ay maanta Emirates-ku u soo direen Madaxweyne Muse Bixi ee uu ugu boqoolay Dubai.
Dhinaca kale waxa is huwan muuqaallo cadaawadeed oo ka soo fool leh Djabouti, Masar, Iran iyo Turkey, oo aanay quwadaha waaweyni ka maqnayn. Hirdan adagina uu ku dhex mari doono badda cas iyo Berbera. Dagaalkuna uu daarran yahay mid dhaqaale oo cunaha la isku fadhiisan doono. Ethopia lafteeda ayaan la garanayn dhinaca ay u ciiri doonto, waayo waxa iyada dhexdeeda ka aloosan khilaafaad qawmiyadeed oo aanay rabin in ay Oromada oo kale garab ka helin mid ka mid ah quwadahaasi is haya. Somaliland lafteedu muuqaalladaasi cadaawadeed siday u wajahayso ayaa u baahan aqoon iyo fahmad sare. In lagu dhex dhaco Somaliland lafteeda oo laga faa’iidaysto, maaddaama uu jiro khilaaf qabiil oo dhexdooda ah.
Haddii aan eegno Somalia, waxa aan shaki ku jirin in ay yihiin dawlad la ictiraafsan yahay, xaqna u leh in la dhegeysto. Inkasta oo ay weli itaal daran tahay, oo ay ciidammo shisheeye ku dhisan tahay. Turunturrooyinka iyo khaladaadka ay gelaysaana uu yahay mid loogu garaabi karo gaar ahaan wakhtigan lagu jiro. Sidaasi daraaddeed, waxa dhici karta in Emiratesku si gaar ula xaalaan amma Saudi Arabia ay dhex dhexaadiso, kadibna ay dhici karto in ay Dubai ka shaqayso heshiis iyaga dan u ah oo ay Somalia iyo Somaliland dhex dhexaadiso, Djabouti-na ay daaqadda ka baxdo. Sidaasina ay madaxda Somaliyeed u arkaan in la tixgeliyey oo la soo maray, Xeerkii Baarlamanka Somaliyana la laalo. DP Worldna ay hawsheedii sidii ay ugu talo gashay u wadato, oo ay si toos ah ugala xidhiidho Somalia. Somaliland madaxdeedana afka loo qooyo, sidii awal horeba u dhici jirtay.
Si kastaaba waa mid dhacda, dawlad amma shirkadina waxa ay mar walba leeyihiin dano, sidii ay dahaasi ugu fulayaan ayaanay u tallaabsanayaan. Shacabka dawladuhu maamulaanna maaha kuwo wax badan og, waxana ay la garaad yihiin wararka maalinlaha ah, oo marna ay ka cadhoodaan marna ku farxaan. Siyaasadda Somaliduna waa iska xumbo, oo shalay iyo maanta ayaa kaaf iyo kala dheeri noqda mararka qaarkood.
Isku soo wada duuboo, waxa cad in faalladaasi iyo waaqacaa aan ka soo sheekaynay uu iftiimin karo cidda faa’iido qabi karta iyo cidda khasaari karta. Sheekaduse sida la moodayo maaha, shaxda meesha taallaana maaha mid Somalia iyo Somaliland u gaar ah amma ay wax ka qaban karaan, laakiin waa mid daarran tartanka amma dagaalka u dhexeeya quwadaha waaweyn iyo dawladaha dhaqaalaha xooggan leh.
Ahmedweli Goth




