Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaalka internetka ee Reer Galbeedka iyo Ruushka oo gaadhay in la isku digo

$
0
0

Boris Johnson ayaa ruushka u sheegi doona in ay joojiyaan weerarrada dhanka internetka ah ee halista geliyay amniga qaranka Britain, ama ay wajihi doonto aargudasho UK ay qaadi doonto tallaabooyin khatar ah amma la mid ah kuwa ay Ruushku wadaan.

Wuxuu u sheegi doonaa in UK aysan lahayn ujeedo xun oo dhanka internet-ka ah, laakiin ay leedahay awoodda farsamo ee ah dagaalka dhanka online-ka ah oo ay ku basaasi karaan.

Johnson wuxuu noqonayaa wasiirkii arrimo dibadeed ee Britain ee booqda Ruushka, muddo shan sano ah.

Socdaalkiisu waxa uu daba socdaa eeddii Theresa May ee bishii la soo dhaafay ay ku sheegtay in Ruushka uu isku deyay “in uu dhibaato u geysto bulshada xorta ah”.

 

Weriyaha BBC-da ee arrimaha diblumaasiyadda, James Robbins, ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhexeeyo labada dal uu marayo “meel xun oo aan wanaagsaneyn, iyo meel dhibban oo cabsi leh”.

 

 

Ra’iisul wasaaraha Britain waxay bishii Nofembar ka digtay halista “ololaha joogtada ah ee basaasnimada iyo rabshadda ah ee uu internet-ka ka wado Ruushka”.

 

 

Waxaa isla walaacaasi muujiyay Ciaran Martin, madaxa laanta amniga internet-ka, kaas oo sheegay in Ruushku “uu doonayo in uu wiiqo hannaanka caalamiga ah”.

 

Kullan maanta ka dhacaya Moscow, Boris Johnson wuxuu dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov u sheegi doonaa in UK aysan aqbali doonin dhaqamada “colaadeed” ee Ruushka.

 

Ka hor kullankaasi, Mr Johnson ayaa hoosta ka xarriiqay in xidhiidhka ka dhexeeyo Ruushka iyo Britain “aanu aad u sii xumaanin muddo dheer”.

 

 

“Waxaa jira meelo uu Ruushku uga dhaqmayo sida cadow aad u xun oo ku soo wajahan daneheena gaarka ah, waana arrin aanan dhicin tan iyo markii uu dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa”.

 

“Waan u cadeyn doonaa… in ay jiraan waxyaabo ay aad inoogu adag tahay in aan aqbalno, mana aqbali karno.”

Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla soo qaadi doonaa halista amni ee Kuuriyada Waqooyi ku leedahay caalamka, in la dejiyo xaaladda siyaasadeed ee Suuriya iyo ilaalinta heshiiska nukliyerka Iiraan.

 

Mr Johnson sidoo kale waxa uu doonayaa in uu ogaado amniga ciyaartoyda Britain iyo taageerayaashooda, marka ay ka qeybgalayaan tartanka koobka adduunka ee sannadka soo socda lagu qaban doono Ruushka.

 

Ruushka waxaa lagu eedeeyay dhaawaca 100 qof oo England u dhalatay intii ay socdeen ciyaarihii horyaaalka kubadda cagta Yurub ee 2016-kii lagu qabtay Marseille.

 

Source BBC

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images