Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo sheegay in ay 23 Dublamaasi oo Ingiriis ah ka mastaafurin doonaan dalkooda.

$
0
0

Awdalpress – London – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkooda ay  ka mastaafurin doonaan 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Britain, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar loo adeegsaday sun oo lagu qaaday nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka, balse markii dambe iska dhiibay dalka UK.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga caydhin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

 

Tallaabadan ayaa jawaab u ah go’aanka Britain ay dalkeeda uga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

 

Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa lagu amray in ay Britain ka baxaan kaddib murankii diblomaasiyadeed ee ka dhashay weerar lagu qaaday Sergei Skripal oo 66 jir ahaa,  isla markaana ka tirsanaan jiray mukhaabaraadka Ruushka iyo gabadhiisa Yulia Skripal oo 33 jir ahayd.

 

Weerarkaasi ayay Britain ku eedeysay dowladda Ruushka balse xukuumadda Moscow waa ay beenisay eedeymahaasi.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xidhayo hay’adda Britain u qaabilsan dhaqanka iyo in aan la ogolaan doonin in Britain ay qunsuliyad ka furato magaalada St Petersburg.

 

Source BBC

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images