Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal Wasaare Khayre oo qorshaynaya sidii ay Jawaare u eryi lahaayeen. ( Waa Sir culus )

$
0
0

Sida sooyaalka siyaasadeed ee Somalia lagu yaqaannay, waxa is beddel ku dhacayaa khilaafkii la dhex dhigi jiray Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, ee  sababi jiray in midkood laga takhalluso. Bedelkeediina waxa yimid in Madaxweynaha iyo Ra’sal wasaaruhu ay arrintaa dhinac kale u wareejiyaan, oo ay beegsadaan siyaasiyiinta khibradda u leh iska hor keenka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

 

 

BAL HORTA FAALLADAN KU SAABSAN KHILAAFKA NALA DAAWADA.

Waxana muddo bilo ah socday khilaaf soo jiitamayey oo u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo wata koox siyaasiyiin ah oo dhinaca kale ah. Gooro dhawr ahna waxa dhacday in siyaasiyiin la yaqaan lagu weeraray guryahooda halka xubno wasiirro ahaana laga eryey golaha wasiirrada.

 

 

 

 

 

Bal hadda aan wada daawanno Jawaari oo shir saxaafadeed kaga warramay sida khilaafku yahay, isaga oo sheegaya in ciidammadii joogtada ahaa ee Baarlamanka waardiyeyn jiray la beddeley, oo lagu beddelay ciidammo ka amar qaata Ra’isal wasaaraha.

Sababta ciidammada loo kala beddeley oo uu ka warramayo madaxa amniga Somalia.

Ugu danbayntii waxa timid arrinta heshiiska Somaliland, DP World iyo Ethopia ee uu ra’iisal wasaare Khayre ummadda u sheegay in aanu xubin ka ahayn heshiiskaasi, maaddaama uu joogay Dubai tuhunna laga qabay in uu qayb ka ahaa.

 

Golaha Baarlamanka ee uu Jawaari hor fadhiga u yahay, ayaa arrintii uga faa’iidaystay si taban, waxana ay gaadhsiiyeen in Baarlamanka laga ansixiyey in gebi ahaanba DP World laga eryo dalka, heshiiskiina la laalo.

 

Tallaabadaasi oo keentay xiisad cirka ku shareertay xidhiidhka Dubai iyo Somalia. Weliba waxa si qaldan loo tarjumay wargelin ay xukuumadda Khayre ka codsatay Jaamacadda Carabta in la tixgeliyo dawladnimada Somaliyeed.

 

Isku soo wada duuboo, waxa ay arrintaa Baarlamanku ka cadhaysiisay Khayre, kadibna waxa dhex galay Farmaajo oo ay isna la safan Khayre. Jawaari oo mooshinno kale ku mashquulsanaa ayaa isna Baarlamankii loo daba maray, oo mooshin lagaga tuurayo Baarlamanka laga keenay. Laakiin wuu ka dagaallamay oo tiradii mooshinka ka keentay ayuu badh cunay, sidaasina waxa ku buray mooshinkii. Balse lagama yeelin ee waxa la ogaaday in uu Jawaari mooshinkaa leexiyey. In dib loo furo ayaana lagu khasbay.

 

Dhinaca xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Emirates-ka iyo Somalia ayaa weli caadi ah, waxana la sheegayaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare Khayre ay wada hadallo la yeesheen safiirka Emirates-ka, laguna ballamay in Dubai la isugu tago, kadibna la wada hadal siiyo Somaliland iyo Somalia. Taasina ay markhaati ka noqonayso dib u dhigiska saxeexa heshiiskii DP World ee muranku ka taagnaa.

 

Laakiin waxa weli jira warar qarsoon oo ku gadaaman heshiiskaasi, tegitaankii Madaxweyne Biixi ee Dubai iyo  ciddii beddeli lahayd Jawaari oo dhawaan miiska la soo saari doono.

 

 

La soco warar xaqiiq ah oo aan mala awaal ahayn. Oo aan idiinku soo bandhigi doonno arrimahaa iyo kuwa ka sii xasaasisan.

 

 

Awdalpress

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images