Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxayne Putin oo si wayn ugu guulaystay doorashadii madaxwaynanimada

$
0
0

Awdalpress – London – Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona, kadib markii uu si weyn ugu guuleystey doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu ku sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay  oo uu ku kasbaday waxqabadkiisa.

 

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale dadkiisa ugu baaqay midnimo iyo isku duubnaan qaran.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guusha uu xisbigiisu ka gaadhay doorashada madaxtinimda Ruushka, waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.

 

Mar uu ka hadlayey isku soo bax balaadhan oo lagu qabtay badhtamaha caasimadda Ruushka ee Moscow,  ayaa madaxwayne Putin uu sheegay in natiijada doorashada ya ka tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabkiisu ku qabaan.

 

Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su’aalaha ku saabsan in uu xilka hayn doono inta cumrigiisa ka dhiman.

 

Mudane Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayey tan iyo sannadii 1999 oo uu mar ahaa rai’sul wasaare.

 

Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale .

 

Laakiin hoggaamiyihii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.

 

 

Source BBC

 

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images