Awdalpress – London – Qarax ayaa dhaawacay labo ruux oo ku sugan magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka, arrintan ayaana timid iyada oo magaaladaasi ay ka dhaceen weerarro bambooyin ah.
Saddex bam oo bashqad la soo galiyey lana dhigay albaab ayaa waxa ku dhintay labo ruux, labo kalana dhaawacay tan iyo horraantii bishan Maarso.
Booliiska ayaan weli xaqiijinin in qaraxydan habeenkii Axadda lagu dhaawacmay ay la xidhiidho weerarradii hore, laakiin waxa ay muwaadiniinta u sheegeen in aysan guryahooda ka soo bixin inta la hubsanayo in ay goobtoodu ammaan tahay iyo in kale.
Qaraxan dambe ayaa yinid saacado uun ka dib markii ay masuuliyiintu ku dhawaaqeen in ay 100,000 oo doolar oo dheeri ah siin doonaan cid kaste oo siisa macluumaad la xiriira qaraxyadaas.
Lacagtaas caddaanka ah waxa sii dheer 15,000 oo doolar oo uu ballan qaaday badhasaabka gobolka.
Labada nin ee la dilay bishan horraanteedii waxa ay ahaayeen Maraykanka Madaw, booliiskuna weli meesha kama aysan saarin in ragaas loo bartilmaameedsaday midabkooda.
Brian Manley oo ah taliyaha booliiska ee magaalada Austin ayaa saxafiyiinta u sheegay in weerarradan ay yihiin fariin la dirayo.
Wuxuu sheegay in uusan xaqiijin karin afkaarta ka dambaysa weerarradan, balse dadka masuulka ka ah ayuu ka dalbaday in ay si toos ah ula soo xiriiraan masuuliyiinta.
Source BBC
Awdalpress




