Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyaha Banka dhexe ee Somaliya oo Madaxweynaha u gudbiyey warqaddii istiqaalada iyo eedihii Musuq maasuqa ee lagu eedeeyey oo aanay waxba ka jirin.

$
0
0

Awdalpress – Nairobi – 20/09/13 – Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, C/salaan Hadliye ayaa sheeg in uu warqaddii istiqaalada u gudbiyey Madaxweynaha Somalia, kaddib marii uu ogaaday in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kaga qaadayso xilka uu hayo oo loo magacaabay toddoba bilood ka hor, warkaasi oo uu ku sheegay wareysi uu magaalada Nairobi ku siiyay wakaaladda wararka Reuters.

Mr.Hadliye ayaa mar kale si adag u beeniyey eedeymihii ay u soo jeediyeen guddiga la socodka cunno-qabteynta dalalka Soomaaliya iyo Eritrea oo  lala xidhiidhiyay musuqmaasuq ku saabsan lacago malaayiin dollar oo la sheegay in lagala baxay Bankiga. Taasi oo aanay waxba ka jirin.

Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan sheegtay in hay’ad la talin oo caalami ah iyo guddi saldhiggoodu yahay Mareykanka ay soo saareen warbixin,  ay ku burinayaan warbixintii ku saabsanayd musuqa ee guddiga cunno-qabateynta QM ay horay  soo saareen.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu 13-kii bishan ii sheegay inuu isbeddel ku sameynayo maamulka bankiga dhexe ee Soomaaliya, aniguna isla maalintaas ayaan warqadda iscasilaadda u gudbiyay madaxweynaha” ayuu intaa ku daray Hadliye.

Beesha caalamka ayaa marar badan oo hore xukuumadda ka codsatay in la hagaajiyo maamulka lacagaha loogu deeqayo si loo ogaado halka ay marayso lacagaha Soomaaliya lagu taakuleeyo, loogana badbaado in musuqmaasuq lagu sameeyo.

“Anigu waxaan go’aansaday inaan iscasilaaddeyda gudbiyo Haddii madaxda dowladdu go’aansadeen inay xilka iiga qaaddo sababo la xiriira warbixintii ay guddiga Q/Midoobay soo saareen,” ayuu C/salaam Cumar Hadliye uu intaa ku daray, waxa kale oo uu sheegay inuu toddobaadka soo socda uu xilka iska wareejin doono, marka uu ku laabto Muqdisho.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo ku dhow dhow madaxtooyada oo lagu kalsoonaan karo. Mr. Hadliye ayaa waxaa lagu bedelay haweeney aqoonyahanad ah oo lagu magacaabo Yusur Abraar oo bankiyo caalami ah  iyo kuwa gudaha horay uga soo shaqeysay, taasoo noqon doonta guddoomiyihii ugu horreeyay oo haweeney ah ee soo marta bankiga dhexe ee Somalia Haddiiba magacaabisteeda la shaaciyo.

Mr. Hadliye iyo Gabadha Bankeradda ah ee lagu baddalayo ayaa ka soo wada jeeda gobolka Awdal, labadubana waxa ay shaqooyin sar sare ka soo qabteen dalka Maraykanka.

Waxa hore u naqdiyey siyaasadda Muqdisho Prof. Ahmed Samatar oo isna u dhashay gobolka Awdal.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles