Awdalpress – London – Weerar loo adeegsaday sun oo lagu bar tilmaameedsaday dumar nadaafad ka shaqaynayey magaalada Muqdisho, ayaa dadka qaarkood ku tilmaameen in aanay dhacdadani ahayn mid caadi ah. Qaar ka mid ah gabdhahaas xaaladdooda waxaa lagu soo sheegay in ay liidato, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Weerarka oo ka dhacay degmada Cabdulcasiis ayuu weriye BBC ka tirsani sheegay in ay ka dambeeyeen rag saarnaa gaadhi aan taargo lahayn oo noociisu ahaa Toyota Noah, sida ay u sheegtay Basmo Caamir oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir.
Dad gaadhiga saarnaa ayaa lagu soo warramay in ay weerarkaa u adeegsadeen sun aan nooceeda la sheegin kuna buufiyeen haweenkaas, xilli ay hawlo nadaafadeed wadeen, kuwaasoo 11 ka mid ah ay waxyeello soo gaartay, 4 ka mid ahna ay aad u liitaan.
Wariyaha BBC da ayaa sheegay in hawlwadeennada caafimaadka iyo laamaha amaankuba ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan wixii dhacay, hase yeeshee wuxuu sheegay in dembi baadhayaal booliska ka tirsani ay qaadeen dheecaanno, si loo ogaado nooca sunta la adeegsaday.
Waa markii ugu horraysay ee weerar sun ah loo adeegsado Muqdisho inta la ogyahay taariikhda, waxayna dad badani ka cabsi qabaan in mar kale uu weerarkaasi oo kale dhaco. Waxana wal-wal laga qabaa Soomaaliya oo aan lahayn imkaaniyaad wax lagaga qaban karo sunta kiimikada iyo tan bayolojiga.
Source BBC
Awdalpress





