Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Awdalapress – London – Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen, 10 kalena way ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday isqarxin, oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye.

Dhanka kalena, adeegga gaadiidka gurmadka degdegga ee Aamin Ambulances ayaa BBC u sheegay inay daad gureeyeen meydadka 6 qof iyo dhaawaca 13 kale.

Gaadiid iyo meherado uu qaraxu burburiyey
                                                 Gaadiid iyo meherado uu qaraxu burburiyey

Weerarka is miidaaminta ah oo ka dhacay abaarihii 4tii iyo barkii galabnimo waddada aadka loo ilaaliyo ee Maka Al Mukarrama ayaa wax ka yar hal kiloomitir u jiray xarunta baarlamaanka Federaalka iyo xarumaha kale ee dawladda.

 

Qaraxa ayaa sidoo kale sababay burbur xoog leh oo soo gaadhay meherado ganacsi oo halkaa ku yaallay iyo gaadiid, wuxuuna dhulka soo dhigay baallayaasha iyo fiilooyinka korantada.

 

Xilliga uu dhacay qaraxa waxaa waddada isticmaalayey dad iyo gaadiid badan, waxaana durba ay ciidanka amniga billaabeen baadhitaanno iyaga oo waddooyinka qaarna xidhay.

Source BBC
Awdalpress

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images