Maaha uu reer reer Awdal ee waxa jira qorshe ku socda beelo kale oo is bidi jiray ama la hiigsan jiray, oo ka tirsan beesha dhexe, oo ay ku socdaan qorshayaal lagu xiniinyo siibayo. Kuwaasina waa kuwa ay reer Awdal dareen wadaagta yihiin.
===================================================================================================
- Lix halkaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada
- Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha
- Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka
- Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya
Wakhtiyadii badawga la ahaa ee ay beelaha Somaliyeed ee wada dega amma geeddigu isku keenaa ay biyaha amma dhul daaqsimeedka ku dagaallami jireen, ayaa nin reerkiisa la ciilay, laakiin reerka ku ogaa wiilal geesiyaal ah iyo in aanay dhulka u dhicin oo ka dhashay qabiilka la yidhaa Arab magaciisana la odhan jiray FAARAX NUUR, oo ay ku soo duuli jireen reero ay tol iyo ollogba yihiin, loona arki jiray in ay ka xoog badan yihiin xilligaasi. Ayaa tiriyey gabayga kor ku qoran.
Wakhtiyada waraabka la kala ceshan jiray dooxooyinka ama dhul daaqsimeedka, ayaa wakhti wakhtiyadaa ka mid ah ay reerkiisa iyo reero kale dagaallo dhex mareen, dhimasho badanina ka dhacday. Abwaan Faarax Nuur oo sidayda u ciilloon ayaa tiriyey gabay tir tirsiin ah oo caloosha u adkaynaya dagaalyahannadiisa. Tudcahaasi kor ku qoran ayaana ka mid ahaa gabay ka mid ah gabayadiisa oo caan noqday.
Ujeedka aan maanta u soo qaatay gabaygani maaha dagaallama, oo dhiig iyo dhibaato sameeya, waase guubaabo daarran in aanay dadkaygu oggolaan dullinimada, caddaalad darrida iyo ku hoos noolaanshaha talisyada sillan, ee caddaaladda ka fog.
Waxan ognahay in maamulka Somaliland uu qalad weyni ku jiro, saami qaybsiguna ugu horreeyo. Halkaasi oo ay caddaalad darrida wada jirka bulshada reer Somaliland ay ka bukto. Taasi oo keentay in ay shaqo la’aanta, horumar la’aanta dhulka Awdal ka jirtaa uu la’ yahay geesiyaal uga dhex hadla golayaasha amma talada dalka wax ku leh. Siyaasiyiintii gobolka ka soo jeedayna waxa ay noqdeen kuwo dantooda uuni u muuqato, fulayaal aan golayaasha ka dhex hadli karin ku sifoobay iyo in ay u nacamiyaan xukuumadda ay ka midka yihiin
Laakiin dhallintu ma mooggana in ay waxa ay tabayaan aanu ahayn uun saami qaybsi, balse ay ugu daran tahay tii la odhan jiray CADDAALAD oo aan la’aanateedna la heli karin wanaag lagu nagaado. Haddii ay sidani ku sii jiraan ama ay sii eegtaanna waxa iman doonta in ay si automatic ah ay u aammini doonaa in ay dalka ku yihiin second class amma ka kii hooseeya.
Bal hadda aan yara dhegeysanno abwaan reer Awdal ah oo ka hadlay waxa ka jira Somaliland.
Maaha uu reer reer Awdal ee waxa jira qorshe ku socda beelo kale oo is bidi jiray ama la hiigsan jiray, oo ka tirsan beesha dhexe, oo ay ku socdaan qorshayaal lagu xiniinyo siibayo. Kuwaasina waa kuwa ay reer Awdal dareen wadaagta yihiin.
Mar aan qoraal hore ka qoray dhibaatada ka taagan Awdal ayaan helay jawaabo diciif ah, oo ay qaar leeyihiin maxaa ku raaciyey Cirro iyo Garxajis, laakiin hadday u jeedaan siyaasad waxan ka jeclaa in ay ka hadlaan xisbi. Inkasta oo aan xisbiyada tartamayey ka ahaa dhex dhexaad, walow aan wakhtiyadii ololaha aan qori jiray aragtida aan qabo… waana sheekooyinka Awdal lagu kala qaybiyey, ee ay rag waaweyni oggol yihiin dullinimada dadkooda haysata, dhallintooda ku ridday walaahowga.
Kuwo kale ayaa ii soo qoray, hadallo aanan jeclaysan, oo u eg kuwo gunnimo, hadalladaasi ma jecli in aan maqaalkan ku soo qoro, waxanan u arkay dhibaatooyinka ka dhex jira dadkagya.
Heerka ay maanta qabyaaladdu gaadhayna, ma filay in Sheekhii, Professor-kii, madax dhaqameedkii caqliga lahaa iyo wax garadkii intaba ay fikirkooda ku saleeyaan qabiil, oo ay haddana jufo hoose uga sii dhaadhacaan, oo ay haddana ardaa hoose uga sii dhaadhacaan. Ta guud ahaanba Somaliland ragaadisayna waa taasi. Ay qabyaaladdii irid walba soo garaacday. Ta in laga dagaallamo u baahan, ee system keenna dawladnimo dhibta ku haysaana waa taasi.
Haddaba sidee lagaga bixi karaa?
U malayn maayo in si dhib yar lagaga bixi karo, kuwa ugu sii daran ee codkoodu aammusan yahay ee reer Awdal iyo Salal ayaana habboon in ay mar codkooda kor u qaadaan, u hiilliyaan xaqa. Haddiise ay ka baqaan askarta rasaasta la hor taagan, waxa ay wajihi doonaan wakhtiyo ka sii adag.
Sool, Togdheer, Ceerigaabo iyaga waxa ka socda waan arkaynaa, waana la dhegeysanayaa, sababtuna waxa ay tahay waan garanaynaa. Laakiin Awdal iyo Salal lama garan waxa ay u habranayaan.
Ahmedweli Goth





