Awdalpress – London – Sicir bararka Somaliland ka jira ayaa xilligan maraya halkii ugu sarraysey, waxana laga cabsi qabaa in uu bilaha soo socda sii laban laabmo.
Maalintii shalay ahayd oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay muwaaddiniin badan oo kala jooga Borama iyo Hargeysa ayaa noo sheegay in dalkii fawdo cusub uu galay, waxana ay sababtu tahay bay yidhaahdeen, habka ay dawladdu u maaraysay XAKAMAYNTA SICIR BARARKA, oo keenay khal-khal ku yimid suuqyadii wax la isku dhaafasanayey.
Waxa la og yahay in aanay Somaliland lahayn BANK ay shacabku aammini karaan, oo xakayn kara amma qorshayn kara habka ay dadku lacagaha isku dhaafasadaan, hadday noqon lahayd heer caalami iyo mid maxallli ahba. Sidaasi daraddeedna aanay dawladdu xukumi karin sayladaha lagu kala sarrifto lacagaha. Sidoo kale xukuumaddu ma awooddo in ay lacag badan oo shilin ama dollerba ah suuqa soo geliso, si ay isugu dheelli tiraan lagacaha cabsida loogala cararayo suuqyada ee ay shirkadihii amma ganacsatadii ay weliba ka faa’iidaysanayaan safarifka khal khalka galay.
Tusaale ahaan dhibaatooyinka maanta ka taagan suuqyada Hargeysa, Borama iyo Burco amma Wajaale waa farqiga u dhexeeya marka aad iibsanayso doller iyo marka aad iibinayso. Waxana u dhexeeya laba boqol oo kun amma ka badan oo shilin Somaliland ah.
Shacabka reer Somaliland oo isticmaali jiray adeegga e-dahab ama Saad, ayaa la sheegayaa in aanay dadka lacagaha qalaad sida dollarka ku haystay mobilladoodu sidii caadiga ahayd aanay uga qaadan karin shirkadahaasi amma aan suuqa wax kaga iibsan karin. Haddii ay isku dayaanna aad loo dhacayo amma qiimaha lagu khayaamaynayo. Taasina waxa ay sababtay in ay lacagahoodii xannibmaan….ta ku xigtaana ay noqon doonto in la is dhaco.
Ganacsatada dukaannada electric-ka iibiya iyo kuwa kale ayaa qorshayna in ay sameeyaan shaqo joojin, ay kaga hor jeedaan sharciyada dadka dhibta ku keenay ee xukuumadda Muse ku tallaabsatay.
Khal-khalkan sicir bararka oo aan wakhti hor ka sii dignay iyo sharciyada xukuummadda Muse Bixi ay sababta u yihiin ayaan ka jirin dhul yowga kale ee ay Somalidu degko. Somalilandna waxa ay immiga noqotay degaanka ugu nolol qaalisan degaannada Somalida, ee ay adag tahay sida loogu noolaadaa. Su’aasha ay dadku is weydiinayaanna waxa weeyi, sababta Muse Bixi ku kalliftay deg degga uu markiiba faraha la galay suuyadii deggenaa? Talo xumo iyo fudayd aanay aqooni wehelin oo sabab u ah habka xukuumadda Muse u wajahday xaaladdan ayaa iyana ah mid ay farta ku fiiqayaan ama ay arkayaan.
Arrinta la yaabka leh, ee illaa immiga lagu bartay Muse Bixi iyo xukuumaddiisuna waa FAAN iyo ka sheekaynta taariikhda uu is leeyahay ku xod xodo reeraha beesha dhexe, ee uu mar wal iyo munaasabad kasta qudbaddiisa ku billaabo SNM, af-lagaadada madaxda Somalia ama kuwo kale. Laakiin qorshe siyaasadeedka xukuumaddiisa amma sida waxa qaldan ay dawladdiisu u wajahayso iyo arrimaha hor yaalla marnaba kama uu hadlin. Beddelkeediina, waxa uu mar walba bulshada reer Somaliland hoosta uga xarriiqaa in ay la shaqeeyaan. Balse ma oga in aanay shacabku hawsha dawladda qaban karin. Dawladdiisuna u igman tahay.
Ugu danbayn, maxaa Muse Bixi looga baahan yahay:
Rechafal
Waa in uu sida ugu dhakhso badan dawladdiisa is beddel ugu sameeyo ( reshuffle ) , soona xusho mas’uuliyiin aqoon iyo waayo aragnimo u leh wasaaradooda amma shaqooyinka ay qabanayaan. Kuwaasi oo aan noqon kuwo loo yeedhiyo, xaaladda immiga laga cabanayana ka saari kara, oo dib ugu soo celin kara halkii ay toban sano ka hor taagnayd Somaliland.
Haddii uu Muse Bixi sidaa yeelo, waxa ay nala tahay in uu xal u heli karo arrimaha faraha ka sii baxaya, ee weliba isaga lagu xumaynayo.
Awdalpress






