Awdalpress – London – Shirkadda takaasida ee Uber ayaa sheegtay in ay ganacsigeeda Koonfurta Bari ee Aasiya ka iibinayso shirkadda uu xifaaaltanku kala dhexeeyay ee Grab.
Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay dib u gurasho ay shirkadda Uber ka samaynayso hawlaheedii caalamka, ka dib markii ay ganacsigeedii Shiinahana ka iibisay shirkadda Didi Chuxing oo ay is hayeen.
Labada shirkadoodba waxay sheegeen in heshiiskaasi uu guul u yahay macaamiisha, laakiin dadka arrimahaas ka faalooda waxay ka digayaan in ay ka dhigan tahay in qiimaha takaasidu uu kor u kici doono.
Shirkadda Grab ee takaasid ayaa ah midda ugu caansan ee ka jirta Koonfurta Bari ee Aasiya, malaayiin ruux oo sideed dal ku kala nool ayaana macaamiil ka ah.

Heshiiskan waxaa ku jira in Uber ay yeelato 27.5% ka mid ah ganacsiga Grab ee Singapore, madaxa shirkadda Uber Dara Khosrowshahi wuxuu sidoo kale ku biiridoonaa guddiga sare ee maamula Shirkadda takaasida ee Grab. Wali lama shaacinin qiimaha uu heshiiskani ku kacayo.
Anthony Tan oo ah madax shirkadda Garab ayaase sheegay in heshiiskani uu yahay “billawga wakhti cusub” taas oo ganacsigan la isku daray ka dhigaysa in uu si wanaagsan ugu adeego macaamiisha.
Grab waxay ka shaqysaa siddeed dal oo Aasiya ku yaallaAwdalpress





