Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soomaaliya oo Iimaaraadka u gudbisay cabasho ka dhan ah DP World

$
0
0

Awdalpress – London – Dawladda Soomaaliya ayaa maanta u yeedhay Safiirka Iimaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, sida uu BBC u sheegay wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda ee Somalia Mudane C/qaadir Axmed Kheyr. Ujeeddada u yeedhitaanka la xidhiidhay oo ahayd  qaab diblomaasiyadda waafaqsan, ayey Soomaalia qoraal ahaan ugu gudbisay mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World iyo dekedda Berbera.

 

12kii Maarso ayey ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu gaashaanka ku dhuftay heshiis dhex maray shirkaddaas iyo maamulka Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay ku yeelanayso DP World dekedda Berbera, hallka Itoobiyana ay helayso 19%.

 

Xiisaddaas ayaa loo aanaynayaa inay dhalisay qas siyaasadeed oo ka dhex dillaacay laamaha sharci dejinta iyo fulinta ee dawladda federaalka, ayadoo dhinaca kalena ay Somaliland ku dhawaaqday inay joojisay wadahadalladii kala dhaxeeyey dawladda Soomaaliya.

 

Sida uu BBC u sheegay wasiiru-dawlaha Somalia  C/qaadir Axmed Kheyr, safiirka Iimaaraadka carabta Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammaadi, wuxuu xaqiijiyey in xukuumadiisa ay ogsoon tahay in ‘madaxbanaanida iyo dawladnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas’.

 

“Gorgortan ma laha madaxbanaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, qof aan kala gorgortamayno iyo qof aan kala xishoonaynana ma jiro” ayuu yiri C/qaadir Axmed Kheyr oo intaa ku daray in ay jiraan dadaallo kale oo diblomaasiayadeed, sida cabasho ay u gudbiyeen jaamacadda carabta.

 

Danjire Al Xammaadi ayaa la filayaa inuu dawladiisa uu gaarsiiyo cabashada la hor dhigay.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya kama uusan hadlin ciidanka la sheego in Iimaaraadka uu qortay iyo saldhigga milateri ee la sheegayo in dalkaas khaliijka ku yaalla uu ka furanayo Berbera.

 

 

Source BBC

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images