Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Isbahaysiga talada Ethiopia haya oo doortay hoggaamiye cusub. Muxuuse hoggaamiyahani ka aamminsan yahay siyaasadda Geeska Afrika? ( Dhegeyso oo daawo waraysiyo uu hore u bixiyey )

$
0
0

Awdalpress – London – Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay guddoomiyaha isbahaysiga talada haya ee dalka Ethiopia, wuxuuna noqonayaa Ra’isal wasaaraha cusub ee dalkaasi, waxana uu beddelayaa Ra’iisal Wasaaraha sii socda ee Hailemariam Desalegn oo bishii la soo dhaafay si kadis ah ugu dhaqaaqay in uu xilka isaga degeyo, dalka ayaa hataan ku jira xaalad degdeg ah, iyada oo looga gollahaa in lagu soo afjaro mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedey oo socday saddex sanado ku dhawaad.

Maalmo door ah oo ay socdeen doodo adag iyo wada xaajoodyo,  oo u dhexeeyey hoggaamiyeyaasha isbahaysiga xukunka haya ayaa  ugu danbayntii doortay Dr Abiy in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub, waxana uu ka soo jeedaa qawmiyadda Oromada ee ugu tirada badan dalkaasi. Qawmiyaddan ayaa ahayd xudunta mudaharaadyada lagaga soo horjeedo dawladda tan iyo sanadkii 2015.

 

Dalka Ethopia ayaa Dr. Abiy uu immiga qaban doona xilka Raisul wasaaraha, kadib markii goluhu ay aqbaleen iscasilaaddii Raisul wasaarihii hore ee hailemariam Desalegn.

 

Dr Abiy ayaa loo arkaa inuu yahay siyaasi firfircoon oo leh aqoon tacliineed oo sare iyo mid military, waxa uu shahaadada doctorate ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa wxuu sidoo kale laba Shahaadood oo Master ahna waxa uu ka kala qaatay Jaamacado ku kala yaal dalka Maraykanka iyo Britain.

 

Wuxuu horay usoo noqday wasiir ka mid ah Golaha wasiirrada, wuxuu sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa in dhidibada loo aaso hay’ada sirdoonka ee dalkaasi.

 

Hase ahaatee,  dadka dhaliilsan ayaa shaki galinaya in loo ogolaan doono in uu awood u yeesho in uu meel mariyo isbaddaladda ay dalbanayaan dadka dimuquraadiyadda u ololeeya.

 

Boqolaal dad ah ayaa ku dhintay kuwa kale oo fara bandanina waa lagu xidhay tan iyo markii mudaharaaddadu ay ka bilowdeen dalkaasi.

 

 

Isbahaysiga haya talada Ethiopia ayaa doortay hoggaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo ee dalkaasi ugu badan, oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.

Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay in ka badan 60% oo cod, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi.

 

Doorashadaasi waxa ay dhabbaha u xaadhaysaa sidii uu xilka ra’isal wasaarenimo ugala wareegi lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Iyada oo maalintii is-casilaaddaasi ka danbeyseyna dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

 

Warbixin laga sii daayey idaacadda dawladda ayaa sheegtay in xaaladda degdegga ahi ay ahayd mid lagu xakamaynayo mawjadaha mudaharaaddada ka wada magaalooyinka waaweyn ee dalka Ethopia,  ee dawladda lagaga soo horjeedey.

Waxa maanta durba jirta rajo ah in isbedelka hoggaanka sare suurto gelin doono in wax laga qabto tabashooyinkaa qaarkood.

 

Haddaba waa kuma Abiy Ahmed?

 

Abiy oo loo arkayey inuu ahaa ka ugu cadcad ragga tartanka ugu jiray buuxinta jagada uu banneeyey ra’isal wasaarihii is casilay. Hoggaamiyahani la doortay waa guddoomiyaha xisbiga Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF).

 

Dadka lafa gura siyaasaddu, waxa ay ku sheegayaan inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh.

 

Wuxu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromia oo waxa dhalay qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii.

 

Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Ethiopian ah oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda.

 

Wuxu ahaa ninkii aasaasay isla markaana agaasimaha ka noqday wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.

 

Dad badan baa waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta dad isku wadka leh.

 

Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero weyn ka haysto dhalinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale.

 

Dadka dhalliilaa se waxa ay leeyihiin maadaama oo uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, awood u yeelan maayo in uu isbedellada badan ee dadka mudaharaadayaa doonayaan meel mariyo.

 

Tixraac BBC

 

 

Awdapress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images