Awdalpress – London – Sida laga warqabo, waxa weli socda cabashadii ay xukuumadda Muqdisho u soo bandhigeysey caalamka, ee ku wajahnaa waxa ay ugu yeedhay fara-gelinta Dubai ay ku hayso dawladnimada Somalia.
Tallaabadii ay shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai kula heshiisay Somaliland ama in ay 30 sano maamusho Berbera, ayaa waxa ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay dawladda Farmaajo iyo dawladda UAR, kadib markii ay dawladda Somalia ku andacootay in aan lagala tashan, waxna laga weydiin heshiiska maal-gashi ee ay DP World la gashay maamulka Hargeysa.
Haddaba warkan ay shabakadda ee Al-Jazeera soo bandhigayso ayaa daarran dacwadda ay Somalia hor dhigtay qarammada midoobay iyo sida ay qarammada midoobay u wajihi doonaan. Sheekaduna waxa ay ka billaabmi doontaa sharciga caalamiga ah, sida ay Somalia wax u doonayso amma ay Dubai uga hor jeedsan karto.
Dhinaca kalena waxa aan golaha fadhiyin xukuumadda Somaliland oo aan weli golaha kursi ku lahayn. Loona aqoonsan yahay in ay Somalia ka tirsan tahay.
Awdalpress





