Awdalpress – London – Dr. Sacad oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa waraysi uu siiyey idaacadda BBC laanteeda afka Somalia, ku adkaystay in ay dawlad xor ah yihiin heshiisyana ay geli karaan. Balse illoobay in aanay weli kursi ku lahayn Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, laakiin ay weli dunidu u aragto in ay ka mid yihiin Somalia.
Mr. Shire oo dadka qaar u arkayeen in jawaabihiisu ay raalli gelinayeen uun sida dadkiisa reer Somaliland aamminsan yihiin, ayaa garab marsanaa xeerka caalamiga ah, sidaasina ay dooddiisu ahayd uun borobogaanda la maqashiinayey shacabka reer Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa weli siyaasadda Somaliland ka maqan in ay runta wajahdo, oo ay ka gudubto khayaalka iyo sheekooyinka aan ka soconayn ee ay shacabka ku jaha wareerisay.
Awdalparess





