Allaha U naxariistee Prof. Maxamed Barkhad Miiggane…..waxa uu geeriyooday markay taariikhdu ahayd 30/03/2015. Maalintaasi waxa ay aqoon yahanno badan, arday badan, siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo ay asxaab ahaayeen u ahayn maalin madaw oo murugo leh. Waayo waxa u agoonoobay bulsha weynta aqoonta jecel iyo shakhsi kasta oo aqoon u lahaa.
Awdalpress – London – Somalidu….. marka shakhsi ay jecel yihiin uu geeriyoodo, waxa ay yidhaahdaan HEBEL MA DHIMAN EE WUU DHUUNTAY. Sidaasi daraaddeed, in badan oo innaga mid ah ayaa aamminsan in aanu Marxuum Miiggane innaga maqnayn, ee uu weli innala joogo, xasuustiisuna ay maalin walba taagan tahay.
Marwadiisii Qummaati Cisman Raydal, tobanka wiil iyo gabadha uu ifka kaga tegey waxa ay maalintaa u egaayeen kuwo ku samray geerada Maxamed Barkhad, waxase ay ilmada iyo oohintu ku biilaabantay markii ay arkeen ummaddii uu la noolaa oo u wada ooyeysa, aaskiisiina sida weyn uga soo qayb galay, iyaga oo isaga kala yimid gobollada Somaliland iyo dalal kale. Argagaxa maalintaasi muu ahayn mid la qiyaasi karo, waayo waxa adduunka ka hoydey hoggaamiye ay in badani u baahnayn in uu la sii noolaado.
Prof. Maxamed Barkhad, waxa uu ahaa macallin run ah, shakhsi xor ka ah qabyaalad iyo jufa jufaysi. Intii uu macalllinka ahaana waxa uu soo barbaariyey boqollaal iyo boqollaal maanta kala joogta daafaha dunida. Waxa ay dhammaantoodba xilligan arkaayaan Maxamed oo soo galay fasalka, muusoonaya oo arkaya kalgacalada ay ardaydu ku sugayeen amma wajiyadooda ka muuqata. Waxa ay arkayaan isaga oo buugtiisii iyo qalabkiisii dul saaraya miiska ag yaalla sabuuradda. Waxase ay sugi kari la’yihiin oo ay dhagahoodu diyaar u yihiin casharka maanta uu maskaxdooda ku shubayo.
Laakiin maanta ma hor joogo, waxana uu ku sugan yahay xabaal yar, oo aan ogahay in uu ku nabad qabo, Ilaahayna u iftiimiyey ee uu u nimceeyey…..Allaha uga dhigo…… Waayo waxa uu marxuumku ahaa shakhsi muxsin ah.
Ooridiisa Qummaati ayaa weli u yeedhaysa Marxuumka, maqlaysa hadalladiisii iyo sheekadiisii naxariista lehayd. Inankiisa Abdirazaaq ayaa weli ka gam’i la’ aabbihii, isaga oo ay kalgacaladiisii ku reebtay xasuus adag oo aanu marnaba illaabi karin. Inantiisa keliya ayaa Marxuumka ka raadinaysa meelihii uu fadhiisan jiray, oo sugaysa in ay mar uun aabbe tidhaa….amma salaanto.
Noolaba waa dhintee, Waxa aan arkayaa marka aad akhristow qormadan akhriyeysaan in ay ilmo idinka da’ayso, in ay in-badani caloosha ka ooyeyso sidayda. Waase xasuus adduunyo oo soo jireen ah mid kasta oo la jecel yahayba geerida dhan dhamin doono.
Waxa xusid iga mudan buugga MAAN-KORIYE ee marxuum Maxamed Miiggane laga qoray. Ee ay weliba ardaydiisii Jaamacadda Hargeysi ay ka qoreen. Buuggaa oo ay juhdi badan geliyeen, iyaga oo soo waraystay aqoonyahannadii iyo asxaabtii ay wada shaqayn jireen ama aqoonta isku lahaayeen, macaariiftii ay siyaasadda ku wada jireen iyo aqoon yahannadii uu macallinka u ahaa ama uu soo barbaariyey.
Mar aan buugga akhriyey waxa I soo jiitay sida ay u bilaabeen taariikhdiisa iyo shakhsiga uu ahaa, qaabaynta buugga iyo sida ay u farsameeyeen amma u kala xusheen tuducyada buugga. Waxana ay u dhigeen qaab aan laga xiiso dhacayn. Qoraalka uu buuggani xambaarsan yahay waxa ay ka ilaaliyeen mala’awaal iyo sheeko ku-tiri ku teen ah. Si miisaaman ayeyna u dhammaystireen.
Macallin Muse Ahmed Omer oo ahaa macallin ay isku wakhtiyo ahaayeen anigana xasuus dheer igu leh, ayaa si mug leh uga sheekeeyey xilligii ay dugsiyada kuwada jireen, waxana uu ka sheekeeyey in uu Marxuum Maxamed ahaa ciyaartoy ku fiican kubadda Xeegada, oo wakhtigaa laga ciyaari jiray dhulkii uu Ingiriisku gumaysan jiray ee Somaliland.
Marxuum Cabdirahmana Maxamed Muse ( Abdi Quraab), Prof. Mohamed Omer Jiir, Prof. Dr. Mohamed Nuh Ali oo ay classmate ahaayeen illaa malcaamaddii, Mohamed Siciid Gees, Ahmed Mohamed Cadaad oo aan isku wakhti ahayn, Marxuumkana ay macallimiin ka wada ahaayeen Jaamacadda Ha rgeysa, Hodan Gaarriye, Pof.Ibrahim Aye ( Jimi ) oo ay asxaab dhaw ahaayeen iskuna wakhti ahaayeen, Siciid Saalax iyo Xidhibaan Ahmedyaasiin Sh. Ali ayaa ka mid ahaa dadka ay dhinaca diinta isku dariiqada ka ahaayeen ee ay wada xadrayn jireen iyo siyaasiyiin kale ayaa iyaguna dhammaantood si mug leh uga hadlay taariikhdii iyo aqoontii ay u lahaayeen Marxuum Maxamed Barkhad.
Buugga MAAN-KORIYE mar aan ku daah furaynay London, waxa aan nasiib u helay in aan ka mid noqdo dadkii ka qayb galay, waxanan u arkayey in aanu buuggaasi ahayn uun mid laga qoray Marxuum Miiggane balse uu ahaa mid laga qoray aqoon yahannada noociisa ah ee taariikhda soo maray. Sidoo kale waxa aan nasiib u helay in aan ka hadlo, oo aan markhaati ka noqdo in uu buugga miiska yaallaa yahay mid dhab ah oo u qalma in lagu magacaabo magaca uu wato, loona hibeeyo Marxuun Maxamed Barkhad Miiggane
Allaha u naxariisto
Ahmedweli Goth






