Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

FARMAAJO: Jawaari mooshinku ma xanuun badan yahay? bal ka warran!

$
0
0

Awdalpress – London – Jawaari oo u muuqday nin xariif ku ah siyaasadda Somalia oo aan loo geli karin ayaa immiga markii MOOSHINKA laga khafiifiyey u egaaday miskiin. Waxana isku qabtay labada nin ee Farmaajo iyo Khayre ee ugu sarreeya dawladda ( Qaybta fulinta ) Federaalka Somalia. Cayaar fiican oo ay goolal badan ka dhaliyeenna waxa ay la cayaareen Jawaari yo kooxdiisii.

 

 

 

Jawaari iyo kooxdiisa oo maalinba maalinta ka danbaysa sii lumineysey kalsoonida shacabka, ayaa ku dagaallamaysey saxaafadda xorta ah, maalin walbana waxa ay ka hadlinayeen Jawaari. Odayga ayaa hadalkiisii aadka u batay uu u ka badin waayey calaacal iyo eedayn u keentay in ay sumcad badan u keento Khayre iyo Farmaajo oo afka ka xidhay in ay ka hadlaan mooshinka ay odayga kaga nixiyeen ee ay iyagu dabada ka riixayeen ammaba aan ka jawaabin hadallada sida qaawan uu Jawaari ugu durayo Khayre iyo Farmaajo.

 

 

 

Ugu danbayntiina markii golihii shacabku waashay, ee shacabkii Muqdisho isku diyaariyey in ay la kala saftaan kooxaha is haya, fawdo hor lihina ay soo wajahday dawladdii Farmaajo iyo golihiisii shacabka ayaa subaxnimadii mooshinka loo ballansanaa mar keliya is beddeshay. Odaygii Jawaaari iyo kooxdiisii oo ciidammo la dul dhigay, loo hanjabay oo jilcay. Ayaa subaxnimadii Jawaari looga yeedhay madaxtooyada, su’aal keliya ayaana si jees jees ah loo weydiiyey,  su’aashaasi oo ahayd: Jawaari ka warran xanuunka iyo xummadda Mooshinka? Oday Jawaari inta uu madaxa lulay ayuu yidhi,’ Allaahi waa dhib miiran, naxdin iyo war war ayaan la seexan waayey.

 

 

Farmaajo iyo Khayre inta ay qosleen ayey Jawaari weydiiyeen, bal ka warran MOOSHINKAASI  ayaad rag la damacsanayde kkkkkk. Oday Jawaari ayaa inta uu qoslay yidhi, ‘ Saaxiibbayaal gool ayaad iga dhaliseen, maantana waxan ogaaday in aad iga khabiirsan tihiin ee raalli ahaada, haddi kadibna idinka ayaan idinla shaqaynayaa, kooxdaydiina waan ka dhex baxayaa, weliba ina Cabdishakuur iyo Omer Abdirashid danbe lagu daba arki maayo.’

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images