Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi ayaa markii ugu horreysey hoos ugu dhaadhacay xaqiiqda aan la dafiri karin, taasi oo ah in aanay Somaliland weli ahayn dawlad dunidu ictiraafsan tahay, sidaasi daraaddeedna ay caalamku u arkaan in ay Somalia uun ka mid tahay.
War-saxaafadeedkan oo ah kii ugu horreyey ee uu qabto tan iyo intii uu ka soo laabtay Dubai ayaa hoosta ka xarriiqaya in hoos uga degey wixii uu rumaysaa ee hore uu u aamminsanaa. Waxa uu iyana taabtay in ictiraafka Somaliland yahay mid halgankeedu uu socdo. Laakiin weli waxa ka maqan in aanay Somaliland lafteedu wada socon. Taasina maalin aan dheerayn ayuu arki doonaa.
Awdalpress





