Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethopia oo socdaalka uu ku mari doono sagaalka gobol ka billaabaya gobolka Ogaden.

$
0
0

Awdalpress – London – Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Dr Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Dr Abiy ayaa lagu wadaa inuu kullamo la yeesho madaxda gobolka, waxana uu sidoo kale khubad u jeedin doonaa shacabka.

 

Weriyaha BBC-da ee Jigjiga ayaa ku soo warramaya in raysal wasaarahu socdaal ku mari doono sagaalka gobol ee uu ka koobanyahay dalka Itoobiya, taasi oo ka dhigan inuu ahmiyad gaar ah siiyay gobolka Soomaalida oo muddooyinkii dambe ay isku dhacyo kala dhaxeyeen qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo raysal wasaaraha.

 

Raysal wasaare Abiy oo ay wehlin doonaan madax ka socota dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la kulmaan oday dhaqameedyada Soomaalida, si ay uga wadahadlaan xasilloonida, amniga iyo sidii loo xalin lahaa isku dhacyada u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

 

Dr Abiy Ahmed ayaa loo doortay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, kadib markii uu iscasilay raysal wasaarihi hore Haile Mariam desalegn oo culeys badan kala kulmayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda oo sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.

 

Xuquuqda warkan BBC

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images