Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Magaalada Dilla oo laga furay Hotel casri ah iyo xafladdii lagu daah furay oo dhammays tiran. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dilla oo ah magaala madaxda degmada Dilla iyo nawaaxiga bariga Awdal, isla markaana 5 mile u jirta amma kaabka ku haysa magaalo ganacsiyeedka Wajaale, ayaa maalintii shalay ahayd laga furay Hotel muddaba la sugayey, kaasi oo ah Hotel dalxiis, nasasho. Waxana loo bixiyey DALXIIS HOTEL.

 

Magaalada Dilla ayaa caan ku ah CAANA GEEL saafi ah, hib aad u macaan oon innaba caadi ahayn iyo hawo caafimaad badan. Waxana aad looga yimaaddaa Hargeysa, Borama iyo Wajaale. Hotel-kani casriga ah ayaa socotada iman jirtay magaalada Dilla ee ka carraabi jirtay u suurta gelinaya in ay ayaamo ku nastaan.  Dhianca kelena waxa ay magaalo nasasho u tahay Wajaale oo aad u camiran, laakiin aan ahayn magaalo nasasho. Sidoo kale waxa ay kaabka ku haysaa magaalada Aw Barre iyo xuduudda Ethopia.

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin in HOTEL DALXIIS uu yahay horumar ku soo kordhay magaalada Dilla iyo guud ahaan Somaliland.

 

 

 

 

Xafladdii lagu daah furay Hotelkan ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne isugu jira madax-dhaqameedyo, wax garad, siyaasiyiin iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada ku nool Dilla iyo nawaaxigeeda. Waxana ay dhammaanba bogaadiyeen walaalaha ilma- Nuur Ahmed Jibril ee dhisay Hotelka. Halka ay qurba joogta degaanka u dhalatay ee faraha badanna ugu baaqeen ama ku boorriyeen in ay sida innamadaasi oo kale dalkooda wax u gashadaan.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images