Awdalpress – London – Hay’adaha amniga ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay boorsooyin la sheegay inay ku jirtay lacag gaadheysa 9 milyan iyo 600 oo kun oo doollar. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amiga gudaha ayaa lagu xaqiijiyay jirtaanka lacagtaas.
War-saxaafadeedka, ayaa sidoo kale lagu sheegey in ay baadhitaan ku hayaan, halkii ay ka timid, ciddii ay ku socotay, iyo ujeeddada laga lahaa in lacagtaasi waddanka loo soo geliyo.
Haddaba, diblomaasiyadda caalamku maxay ka qabtaa tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaadday? Su’aalahaasi iyo kuwo kale ayaa Sahra Ciidle Nuur oo u shaqaysa VOA da laanteeda Afka Somaliga, waxa ay ka warsatay danjire Cabdisalaam Axmed Liibaan (Dhabancad), oo hore u ahaa xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo hab maamuuskii madaxweynayaasha dalka soo maray qaarkood.
Xaquuqda warkan waxa iska leh VOA
Awdalpress



