Awdalpress – London – Wakhti yar ka hor waxa aan ciidankayga Maraykanka amray in ay qaadaan weerro xoog badan oo lala beegsanayo goobaha ay yaallaal sunta dilaaga ah ee uu adeegsanayo Diktaytarka Bashaar Al Asad ee Syria. Qiyaas xisaabsan ayaanan hawshaa ku gelaynaa.
Ciidammadayada huwanta ah ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa hawl galkaa iska kaashan doona dagaalkiina way billaabeen. Waxanu socon doonaa illaa iyo inta aan ka baabi’inayno hubkaa sunta ah.
Haddii aan idiin sheego sababta aan dagaalkan u qaadayno, waxa aad og tihiin in sannad hortii uu Bashaar dadkiisa ku isticmaalay hubkan sunta ah ee uu immigana ku isticmaalay. Ruushka iyo Iran waan war gelinnay in aan dagaalkan qaadi doonno. Haddii ay nala safanayaanna waan soo dhaweynaynaa.
Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka waxa sun loo adeegsaday dad shacab ah, waana sababtii aan dagaalkaa u gallay. Waayo ammaankayaga iyo ka dunida ayaa khatar aan u aragnay. Cidnaba ka yeeli mayno in ay xoog iyo sun u adeegsadaan dad shacab ah iyo dalal aan saaxiib nahay. Sidoo kale waxa aan dagaal ku gallay Iraq oo aan ka ridnay Yeygii Saddaam ahaa ee dadkiisa sunta ku isticmaalay.
Dalkayga USA waa dalka adduunka intii taariikh soo martay ugu dhaqaale iyo xoog badan. Mana oggolin in aan daawanno dad shacab ah oo sun loo adeegsanayo. Saaxiibbo aan isku aragti ka nahay oo badan ayaana jira sida UK, Frence, Egypt, UAE, Qatar iyo Saudi Arabia oo immigana xoog iyo maalba la diyaar ah.
Awdalpress




