Awdalpress – London – Naciima Qorane oo muddaba ku noolayd magaalada Muqdisho, ayaa ahayd gabadh aad uga qayb qaadata nashaadka dhallinyarada iyo is-dhex galkooda. Waxase ay markii danbe ku sii luga fidsatay ka hadalka siyaasadda iyada oo fagaarayaal muuqaal fiican leh ka jeedisay hadallo ka cadhaysiiyey Somaliland.
Muuqaallada loo maleeyo in ay xadhiggan ku mutaysatay oo runtii ah mid fikriya, kaasi oo ay ku cabbirtay dareenka ay ka qabto sida ay Somaliyi isugu baahan tahay, ayaa sidan ay uga hadashay:
Hadalkaasi kadib, waxa ay u soo baqooshay dhinaca Somaliland, markii ay Hargeysa soo gaadhayna waxa isla markiiba loo taxaabay Jeelka. Muddadaasi oo laga joogo sannad badhkii. Intii ay xidhnaydna waxa u hadlay hay’adaha u dooda xuquuqda oo xukuumadda Somaliland ka codsaday in ay xorriyaddeeda u soo celiyaan. Balse may dhicin. Waxana usbuucan dhammaadkiisii la hor keenay maxkamadda Hargesya oo ku xukuntay saddex sano oo xadhig adag ah.
FIIRO GAAR: Ka saxaafad ahaan ( Awdalpress.com ) waxan Madaxweyne Muse Bixi u soo jeediyeynaa in uu gabadhaa u soo celiyo xorriyaddeedii, sharciga lagu qaaday iyo qodobada xeerka ciqaabta ee loo cuskadayna dib loogu noqdo, waayo waxaa uu sharcigaasi ka turjumayaa mid wiiqaya sharafta iyo karaamada Somaliland. Sidoo kalena waxa uu ka hor imanayaa xuquuqda muwaadinka maaddaama Somaliland tahay dal Dimoqraadi ah. Qofkuna cabbiri karo fikirkiisa iyo aragtidiisa ku wajahan bulshada iyo siyaasadda.
Madaxweyne waxan kaa rajaynaa in aad codsigaa u fulisid sida ugu dhakhso badan, waayo karaamo sharaf ayaad ku yeelanaysaa, muuqaalka maanta ku shaabadaysan Somalilandna wax weyn ayey ka beddelaysaa.
Awdalpress




