Awdalpress – London – Television ka laga leeyahay dalka Qatar ee xurgufta weyni u dhaxayso Emirates ka iyo Saudi Arabia, ayaa si weyn u qaadaa dhigaysa khilaafka ka dhex aloosan Somalia iyo Emirates. Inkasta oo ay buun buunin badani ka muuqato warka iyo faallada ay kaga warramayaan khilaafkaasi.
Xaqiiqada immiga jirta ayaa dadka arrintan u dhuun daloolaa ay sheegayaan in labada dhinacba xal raadinayaan. Laakiin uu jiri doono isbeddel aad u weyn oo ku iman doona qaabkii iyo hannaankii ay Emirates ku ula macaamili jireen Somalia.
Waxa laga wada dharagsan yahay in ay Dubai saldhig u tahay dhaqaalaha Somalida, gaar ahaan xawaaladaha. Sida la sheegayna ay lacagaha la kala xawilayo amma ganacsiga lagula kala wareegayo ay dawladda Emirates ku u fududayso.
Awdalpress






