Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wax ka baro siyaasadda cusub ee Ethopia uu ku hoggaamin doono Dr. Abiy Ahmed.

$
0
0

Nin aan walaalo nahay amma saaxiibbo aad isugu dheer nahay magaciisana la yidhaa M T Bullaleh, xiiliganna deggen dalka Holland,  oo ku dhashay kuna barbaabay dhulka aan ka fogeyn Addis Abab ama loo yaqaanno Haadka sare, oo aan sida badan ka waraysto xaalka Ethopia ayaa shalay ii sheegay in Dr. Ahmed uu dawladdiisa ku soo daray afar wasiir oo Somali ah, balse inta la hubaa ay tahay laba wasiir.

 

Laakiin waxa uu ka xanaaqay in aan weydiiyo qabiilooyinka ay ka soo jeedaan. Waxanu igaga adkaystay in ay yihiin Ethopian, laakiin qowmiyad ahaan ay Somali ka soo jeedaan.

 

Dr. Abiy Ahmed oo dhawaan loo doortay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethopia, ayaa ka soo jeeda qoomiyadda OROMIYA ee ugu badan dalka Ethopia. Doorashadiisa xilliganina waxa ay ku soo beegantay wakhti ay qowmiyaddaasi aad u kacsanayd, oo ay tirsanaysay caddaalad darro iyo cadaadis. Taasina ay keentay in ay dawladdii markaa jirtay kala hor yimaaddaan kacdoon shacab oo gil-gilay caasimadda Addis iyo magaalooyink kale. Dawaladduna markii ay u taag weydey kaga fal-celisay in ay dalka ku soo rogto xukun deg deg ah. Haddana waxa is casilay ra’iisal wasaarihii oo arkay in aanu xal u hayn kacdoonkan, si uu dalka u bad baadiyana door biday in uu is casilo.

 

Is casilaaddii ra’iisal wasaarihii hore Hailemariam Desalegn kadib, waxa golaha dawladda Ethopia ugu sarreeya iyo xisbiga talada hayaa ku daaleen soo xulista Ra’iisal Wasaare dalka Ethopia ka saari lahaa xaaladdan aan caadiga ahayn. Talo badan oo dhex dooda ah iyo garab ay ka heleen dalalka ay saaxiibka yihiin sida Maraykanka, UK iyo Isreal ayaa waxa ka dhashay in la doorto Dr. Abiy oo ah nin da’ yar, isla markaana maskax furan. Oo weliba ka soo jeeda qowmiyadda cabashada iyo dulmiga tirsanaysa.

 

Ra’isal Wasaaraha cusubi markiiba waxa uu qaaday tallaabo uu booqashooyin ku marayo gobollada dalka, isaga oo wada tashiyo la yeelanaya xukuumadaha degaannada, wax-garadka iyo shacabka degaannadaasi. Meel kasta oo uu tagana waxa uu ka jeedinayey qudbado aad u soo jiitay dadkii. Ugu horreyna waxa uu ka billaabay gobolka Somalida, isaga oo ay ujeedkiisa koowaad ahayd in uu soo af-jaro shaqaaqadii iyo colaaddii laga dhex abuuray dadka walaalaha ah ee OROMIYA IYO SOMALIDA. Waanu ku guuleystay, xaal xaalkiina waxa uu u saaray guddiyo heer qaran ah, oo soo qiimeeya khasaarihii dhacay.

Usbuucan waxa uu booqday gobolka Tigray oo ahaa xudduntii siyaasadda dalka Ethopia ee soddonkii sano ee ugu danbeysey. Hadal uu ka jeediyeyna waxa uu kaga oohiyey shacabkii Tigray oo uu ku tilmaamay dad dahab ah, oo taariikh weyn ku leh dalka Ethopia. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu soo afjari doono colaadda u dhaxaysa Ethopa iyo Eritera.

 

Dadka OROMIYA oo wax laga weydiiyey sida ay u arkaan siyaasadda Dr. Ahmed ayaa sheegay in ay tahay mid weli ka fiirsigeeda leh, balse ay doonayaan uun xukun caddaalad ah oo aan dhannaba u janjeedhin. Arrintaa oo ay dadka OROMIYA ka siman yihiin ayaa waxgaradka ka faalloodaa ku tilmaameen in ay salka ku hayso, in aanay ORAMADU doonayn xukun ay ku gumaystaan shacab ka Ethopia balse ay doonayaan xukun caddaalad ah oo dalka iyo dadkaba raalli geliya.

 

 

Dhibaatada ay OROMIYA iyo shucuub kaleba ay tirsanayaan ayaa ah habka maalgashi ee dalkooda ka socda, oo aan waxba u soo kordhin shacabka dhulkooda la maalgelinayo. Mashaqada ugu weynina waxa ay ka dhacday mishaharka la siiyo dadka beerahooda la maalgeliyo oo ka yar saddex boqol oo bir. Waxana la leeyahay haddii taasi wax ka qabto waxa uu noqonayaa nin weligiiba la xasuusto.

 

 

Run ahaan waxa xaqiiq ah in bulshooyinka badida sheegtaa aanay yeelan karin damac maamul oo ay gooni isaga dhigaan amma ay ku cabudhiyaan shucuubta kale amma qabiilooyinka kale ee la nool. Haddii ay isku dayaanna waxa ka dhalata in ay iyaga laftoodu sii fur furtaan, oo ay kooxo ka dhex abuurmaan. Cabudhintuna ay dhexdooda ka billaabanto. Laakiin haddiiba ay bulshooyinka badida sheegtaa ay xunkunka qabtaan waxa dan u ah in ay caddaalad ku dhaqmaan, taasi ayaana ugu caano badinaysa.

 

 

 

 

Dr. Ahmed ayaa hadalkiisii ugu horreeyey ee uu ka hor jeedinayey baarlamankii ansixiyey kursigiisa, ayaa ka dhawaajiyey in quwadda iyo karaamada Ethopia jiri karto uun haddii ummadda ama qowmiyadaha Ethopia uuni wada jirto, balse haddii qowmiyad qowmiyad loo kala bax baxo ay huubo noqonayaan, sida dalal badan oo dunida ka dhacday. Kadibna ay u nuglaanayaan cadawgooda, wax-qabsigoodana ay u daba fadhiisan doonaan dadyow kale oo dantooda wata.

 

 

Hadallada noocaasi ah oo dhaqaajiyey quluubta dadkii dhageysanayey ayaa waxa ay hadalladaasi ahaayeen kuwo iddidiilo iyo farax dad badan, sidaasi ayaana uu ku sii helay kalsooni buuxda.

 

 

Ahmedweli Goth

UK

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images