Awdalpress – London – Boqor Buur Madaw oo laba casho horteed la sheegay in Jeelka la dhigay, balse ay dad kale leeyihiin waxa uu joogay madaxtooyada, ayaa haddana mar keliya la maqlay in la sii daayey. Oo uu xorriyaddiisii dib u helay. BBCda laanta Afka Somaliga oo Boqorka waraysatayna waxa ay sheegtay in la sii daayey, wax danbiya oo lagu haystaana aanay jirin.
Sababta loo sii daayey ayaa loo sibir saarayaa, in markii la xidhay Boqorka ay shacabkii ku noolaa magaalada Ceel Afweyn sameeyeen isku soo bax aan caadi ahayn. Waxana ay shacabkaasi oo uu Boqorku ka soo jeedaa ku hanjabeen in haddii si dhakhso ah loo sii dayn waayo Boqor Cisman la arki doono xaalad kale.
Laakiin weli waxa xidhan Nacimo Qorane oo iyadana la filayey in uu Madaxweyne Muse Bixi uu cafiyo. Mase ay dhicin, oo weli waxa ay ku jirtaa jeelkii, qabiil u muddaharaadayna way weydey. Shacabka Somaliyeed oo xadhigga inantaa aad uga dareen celiyeyna, waxa ay qaar is weydiinayaan beesha ay inantu ka dhalatay. Qaarna waxaba ay u haystaan in ay Nacima ka dhalatay beelaha la hayb sooco. Sidaasi daraaddeedna aanay lahayn qabiil awood leh oo u hadla.
Awdalpress





